Farmaajo oo la kulmay Uhuru xili xisad u dhaxeyso dalalkooda

Waxuu ahaa kulan fool-ka-fool ah oo ay ku yeesheen dalka Jabuuti, iyagoo kawada qeybgalaya Shirka IGAD ee arrimaha xiisadda u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo la kulmay Uhuru xili xisad u dhaxeyso dalalkooda

JABUUTI - Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta Jabuuti kula kulmay dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada-hadlay xiisadda ka dhex aloosan dalalkooda.

Waxuu ahaa kulan gaar ah oo ka baxsan Shir Madaxeedka IGAD oo Maanta ka furmay Jabuuti, kaasoo diiradda lagu saarayo sidii loo dejin lahaa xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Lama oga waxyaabihii Uhuru iyo Farmaajo ka hadleen, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegay in dowladda Kenya soo bandhigtay IGAD inay diyaar u tahay heshiis laga gaaro khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Todobaadkii tagey, Kenya waxay sheegtay inaysan ka aargudan doonin dowladda Farmaajo, kadib markii ay qaadey tallaabo ay ku jartay xiirikii kala dhaxeeya Nairobi, iyadoo u yeertay safiirkeeda iyo diblomaasiyiinta kale.

Kenya waxay ku doodeysaa in Farmaajo uu arrimaha doorashadiisa u sameynayo go'aannada uu ku xumeeyay cilaaqaadka labada dal ee deriska ah, kuwaasoo wadaaga xiriir ganacsi, is-dhexgal bulsho iyo xuduud dheer oo isku furan.

Shirka IGAD ayaa la filayaa in lagu heshiisiiyo Farmaajo iyo Uhuru, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed marka uu dhamaado, iyadoo la filayo in DF ka laabato go'aanka ay xirirka ugu jartay Kenya.

Farmaajo waxaa gudaha dalka uga furan kacdoon shacab oo maamulkiisa lagu diidan yahay, iyadoo fashil ka haysto siyaasadda dibadda iyo xiriirka dalalka saaxiibadda soo jiraan la ahaa Soomaaliya, sida Sacuudiga iyo Kenya.

Sida ka muuqata Sawiradda KON heshay, Farmaajo iyo Uhuru waxaa hareer fadhiya Ismaaciil Cuma Geelle, Madaxweynaha Jabuuti iyo Abiy Axmed, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo dhex-dhexaadinaya khilaafkooda.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga 3,500 oo askari, kuwaasoo qeyb ka ah AMISOM, iyagoo ka howlgalaya Jubbooyinka iyo Gedo oo Kooxda Al-Shabaab kula dagaalamayeen tan iyo 2011.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.