Farmaajo oo la saaray Cadaadis Caalami ah

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Farmaajo uu la kulmay Cadaadis culus oo Caalami ah si uu wadahadal ula furo Mucaaradka gaar ahaan kadib markii uu ku dhawaaqay RW Rooble doorashada aan loo dhameyn inuu qaban doono.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo la saaray Cadaadis Caalami ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii uu Cadaadis xooggan kala kulmay Beesha Caalamka, Farmaajo ayaa billaabay inuu Wadahadallo hoose la furo Musharixiinta ku sugan Muqdisho.

Farmaajo ayaa ergo ahaan u dirsaday Madaxda Hirshabeelle, Galmduug iyo Koonfur Galbeed, ee kala ah Guudlaawe, Qoor-Qoor iyo Lafta-Gareen oo Wadahadal kula yeeshay Xalay Musharxiinta Decale hotel, oo Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku dhex-yaallo.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Farmaajo uu la kulmay Cadaadis culus oo Caalami ah kadib markii uu ku dhawaaqay RW Rooble Khamiistii lasoo dhaafay in doorasho aan loo dhameyn qaban doono, iyadoo aan heshiis laga gaarin khilaafka taagan.

Seddex hogaamiye Lafta-Gareen, Qoor-Qoor iyo Guudlaawe oo xulufada la ah Farmaajo ayaa miiska u soo saaray mucaaradka qodobo uu Madaxweynaha usoo dhiibay, oo kamid ah inuu diyaar u yahay wadahadal ku saabsan arrimaha khilaafka ka taagan, ee doorashadda.

Beesha Caalamka waxay u sheegeen Farmaajo in hadii uu qabto doorasho aan loo dhameyn, taasoo horseeda inay dalka fowdo ka dhacda, isaga uu mas'uuliyadeeda qaadi doono.

Sidoo kale, Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM wuxuu ku wargeliyay Farmaajo inaysan bixin doonin dhaqaalaha doorashadda lagu galayo ee DF ka dalbatay haddii aan la qancin saamileyda siyaasadda oo dhan.

Dhaqaalaha DF ay sheegtay inuu ku baxayo doorashadda waa 40 milyan oo dollar, taasoo 90% ay ka sugeyso deeq-bixiyaasha, halka 10% kale laga bixinayo dakhliga kasoo xarooda Canshuuraha Dekadda iyo Garoonak diyaaradaha.

Waxay ku noqotay midan Farmaajo waji gabax iyo wuxuusan filaynin, iyadoo hadda billaabay orod iyo Wadahadal laga ergeynayo, waxaana la filayaa inuu dhawaan ku qabto Muqdisho shir dhamaad Dowladda, Maamul Goboleedyada iyo Musharixiinta isagu imaan doonaan.

Farmaajo waa Musharax, wuxuu sameystay gudi doorasho oo ugu tala-galay inuu shubto codadka, laakiin lagu fahmay shaxdiisa, lagana diiday. Hadda waxaa ku baryay waagga, wuxuuna dhexda uga jiraa fashil iyo rajo-xumo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.