Farmaajo oo lagu eedeeyay Qabyaaladeynta & kala qaybinta Bulshada

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa is barbar dhigay dhaqanka Siyaasadeed iyo sigooyinka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump. 

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo lagu eedeeyay Qabyaaladeynta & kala qaybinta Bulshada

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Xildhibaan Mahad Salaad, oo kamid ah Gollaha Shacabka ku eedeeyay Farmaajo Qabyaaladeynta, kala qaybinta bulshada, asigoo sheegay in Madaxweynaha uu burburiyay haybadii dowladnimada. 

Halkaan ayaan idinla wadaageynaa qoraalka kooban oo uu Facebook soo dhigay Hon. Mahad Salaad: 

Dhaqanka Siyaasadeed iyo Sifooyinka Farmaajo iyo Trump ka simanyihiin:

1. Hal Xisbi ayay ka wada tirsanaayeen, Doorasho xor ah iyo xukunka oo si nabad ah la isugu dhiibana doqonimo ayay u arkaan. Kursi Jacaylka iyo Kaligii Taliyenimaduna waa u sii dheertahay.

2. Dadka oo dhan in ay ka caqli badanyihiin ayay isku heystaan, in wax laga sheegana dambi ayay u arkaan, shar iyo kheyr wixii ay la yimaadaana in lagu taageero ayay jecelyihiin.

3. Dadka taageera waxay u badanyihiin CARUUR IYO CAAMO aaminsan sheekooyin khurraafi ah oo aaminsan in ay yihiin Owliyo Ilaahey iyaga u soo diray, hadii aan la adeecina balaayo aan la arag oo la maqal dalka iyo dadka ku dhacayso, dibna loo noqonayo boqolaal sano.

4. Qabyaaladeynta, kala qaybinta bulshada, dadkoo qowmiyado iyo qolo qolo la isugu diro iyo kuwa xididka la ah oo awoodda dowladnimo lagu naasnuujiyo.

5. Labadoodaba waxa loo dhiibay dal dimuquraadi ah oo si nabad ah xukunka la isugu dhiibo, maanta waxa laga dhexlayaa dal qowmiyad iyo qabiil qabiil qoorta iskula jira, hay’adihii dowlada laga aamin baxay, haybadii dowladnimadana ay burburtay!

Maraykanku waa dal hay’ado dowladeed oo sal adag u dhisanyihiin, laakiin Farmaajo hada waxa uu ka shaqaynayaa nidaamka dowladeed curdunka ah ee noo dhisan in uu naga dumiyo, dalka iyo dadkana dagaal sokeeye ku qasbo, kadibna diyaarad ka raaco!

Hon. Mahad Salaad

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.