Farmaajo oo mugdi iyo hubanti la’aan galiyay mustaqbalka Soomaaliya

Inqilaab millatari oo uu sameeyey Siyaad Barre 1969-kii ayaa dhibaatooyin laga dhaxlay, oo uu kamid ahaa dagaalkii Sokeeye ee billowday 1991, kaasoo raadadkiisa wali muuqdaan, shacabkuna kala qyebiyay.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo mugdi iyo hubanti la’aan galiyay mustaqbalka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - SHAKI ayaa ka jira qabashada doorashada Soomaaliya bishan ama February, iyadoo ay taagan yahay khilaafka hirgelinta qaabkii doorashada ee ay ku heshiiyeen hoggaamiyeyaasha siyaasadeed bishii September ee sanadkii hore.

Bilo kadib heshiiska, Farmaajo ayaa sameeyay qaladkii ugu waynaa kaasoo ah inuu dhisay gudiyo doorasho oo NISA, shaqaalaha dowladda iyo Taageeriyaashii baraha bulshadda ka kooban, waxaana arintan ay dhalisay muran xoog leh oo dib u dhigay doorashadda.

Guddiga Doorashooyinka Dadban, ayaa dejiyey doorashada Baarlamaanka 6-da January ee 2021, laakiin durba waa uu ka dhacay waqtigii loogu tala galay, waxaana fashilmay jadwallo labo jeer uu soo saarey.

Waxaa jirta suurtagal dhab ah inay ka fogaan doonaan howlaha doorashada, taasna ka dhalan karto marnaasho dhinaca awoodda, maadaama mudo xileedkii Baarlamaanka uu dhamaadey, kii Madaxweynahana ku egyahay 8-da February 2021.

Khatarta rabshado siyaasadeed oo ka dhaca dalka, ayaa wali sii socota iyadoo ismariwaagga taagan ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Musharixiinta uu cirka isku sii shareerayo, islamarkaana muuqan heshiis in waqti dhaw laga gaari doono waxyaabaha la isku hayo.

Qof walba wuxuu isweydiinayaa maxaa xigi doona khilaafka ka taagan doorashadda.

Saaxiibada Caalamiga ee Soomaaliya waxay muujiyeen walaac qoto dheer oo ku saabsan sii socoshada dhibaatada: "Waxaan ku boorinaynaa saamileyda siyaasada Soomaaliya inay muujiyaan tanaasul danta umadda ku jira”.

Waxay ku boorriyeen hoggaamiyeyaasha inay ku xalliyaan arrimaha taagan wadahadal iyo isu tanaasul si hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo loogu heshiiyo sida ugu dhakhsaha badan.

Inqilaab millatari oo uu sameeyey Siyaad Barre 1969-kii ayaa dhibaatooyin laga dhaxlay, oo uu kamid ahaa dagaalkii Sokeeye ee billowday 1991, kaasoo raadadkiisa wali muuqdaan, shacabkuna kala qyebiyay.

Farmaajo oo kusoo barbaarey nidaamkii hore ee kaligii-taliska ayaa jecel inuu soo nooleeyo taariikhdaas, isagoo moog in maanta Soomaalida nool aysan ahayn tii hore, wacyiguna isbedelay, dadkuna wax ka barteen casharadii hore.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.