Farmaajo oo wado mudo-korarsi dadban iyo doorasho boob ah

Mudo ku dhaw hal sano ayuu Farmaajo si sharci-darro ah ku joogaa xafiiska, isagoo qabanaya shaqo aan dastuurka dalka waafaqsanayn.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo wado mudo-korarsi dadban iyo doorasho boob ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inay walaac xoog leh ka muujinayaan dib u dhaca isdaba-joogga ah, daah-furnaan la'aanta iyo daaha ula kaca ah, ee doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal ay Maanta soo saareen ayay ku sheegeen in aysan aqbali doonin mudo-korarsiga dadban ee Farmaajo iyo boobka doorashadda lagu hayo, oo kuraastii dad gaar ah loo xirayo, taasoo baalmarsan dastuurka dalka iyo cadaaladda.

"Xaaladda uu Maanta dalka ku sugan yahay ma ahan mid xamili karta doorasho loo daahiyo dano gurracan ama la boobo, taasoo dalka u horseedaysa xaalad cakirnaan iyo colaad sokeeye," ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Musharixiinta.

Waxay ugu baaqeen Rooble inuu dalka ku hogaamiyo si waafaqsan dastuurka, islamarkaana qabto doorasho xor iyo xalaal ah, oo daahfurnaan ay ka jirto, waqtigeeduna uu cayiman yahay.

Halkan ka akhri qoraalka oo dhameystiran:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.