Farmaajo oo wado qorshe ay qeyb ka yihiin Lafta-Gareen iyo Qoor-Qoor

Damaca saddexda hogaamiye ayaa ah inay dalka taladiisa la wareegaan, iyagoo isku aadistay qorshe ah in si waafaqsan 4.5 u kala qaataan xilalka sare ee dalka.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo wado qorshe ay qeyb ka yihiin Lafta-Gareen iyo Qoor-Qoor

MUQDISHO, Soomaaliya - Villa Somalia waxaa ka socda qaban-qaabada kulan gaar ah, oo Farmaajo la yeelan doono hogaamiyeyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, sida Keydmedia ay ogaatey.

Xogta ayaa sheegaysa in Farmaajo uu Maalmaha soo socda la kulmi doono Qoor-Qoor iyo Lafta-Gareen, oo ah labo hogaamiye oo isaga geeyay Galmudug iyo Koonfur Galbeed 2018 iyo 2020, si ay isaga danihiisa ugu adeegaan.

Ujeedka Farmaajo ugu wacay labada hogaamiye ayaa la sheegay inay salka ku hayso arrimaha doorashadda iyo qaabkii ay dowladda soo socota ay isagu gacan-siin lahaayeen inay mulkiiliyaasheeda noqdaan, iyagoo kala qaadanaya xilalka Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Arintan ayaa aad lo hadal-hayay mudooyinkii dambe, kadib markii la arkay inuu damacaas ku jiro Qoor-Qoor iyo Lafta-Gareen, oo hadda doorashadda Baarlamaanka kuraasta u boobaya Farmaajo, iyagoo soo saaraya dhalinyaro aan siyaasadda waxba ka aqoon, oo iyaga ay jiheyn karaan.

Siyaasadda Soomaaliya ayaa ah mid marba koox gaar ah maamusho, taasoo ah halbeeg lagu cabiro dowladnimada hadda ka jirta dalka, taasoo lagu hago rabitaanka shaqsiyaadka xiligaas xukunka haysta, ee Villa Somalia jooga.

Lafta-Gareen iyo Qoor-Qoor, oo aan taageero badan ka haysan degaanada ay kasoo jeedaan, kuna fashilmay hogaaminta Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa la sheegay inay taageereen qorshaha Farmaajo, iyadoo kulanka ay yeelan doonaan go'aanno ku gaari rabaan.

Farmaajo ayaa tartan adag uga imaanaya Saciid Deni, Madaxweynaha Puntland oo isku diyaarinaya inuu u tartamo kursiga ugu sareeya Soomaaliya, isagoo Wasiiradiisa ka dhigaya Xildhibaanno, waxaana uu xulufo siyaasadeed la yahay Axmed Madoobe.

Soomaaliya taariikh ahaan lama arag Madaxweyne labo jeer ku guuleystay kursiga, lama oga in Farmaajo mar 2aad la dooran doono, maadaama shantii sano ee uu Madaxtooyada fadhiyay uu sameeyay qaladaad iyo dembiyo lumiyay kalsoonidii shacabka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.