Farmaajo oo xiriir la sameeyay RW Sudan

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa dhammaan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda dalka Suudan oo ina garab istaagay xilliyo adag.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Raiisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la dareemayaan walaalahooda murugada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadka ku fatahay dalkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamdook ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed garab istaagga walaaltinimo ee ay u muujiyeen dalkiisa, gaar ahaan in Muwaadiniinta Suudaan ee ku dhaqan Soomaaliya laga dhaafay kharashaadka deganaanshaha iyo wixii ganaaxyo ah ee la xiriira.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.