Farmaajo waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aannada Rooble

Wareegto uu soo saarey xalay Farmaajo ayaa lagu sheegay inaysan sharci ahayn wixii magacaabis ah oo la sameeyo kahor inta laga soo gabagabeynayo doorashada Madaxweynaha oo la filayo inay dhacdo bishan.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aannada Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa waxba kama-jiraan ku tilmaamay dhammaan go’aannada RW Rooble, ee ku saabsan is beddelka maamulka iyo shaqaalaha ee hay’adaha dowladda xiliga kala-guurka.

Wareegto uu soo saarey xalay Farmaajo ayaa lagu sheegay inaysan sharci ahayn wixii magacaabis ah oo la sameeyo kahor inta laga soo gabagabeynayo doorashada Madaxweynaha oo la filayo inay dhacdo bishan.

Madaxweynuhu, wuxuu meesha ka saarayaa dhammaan isbeddellada iyo magacaabista la sameeyay wixii ka dambeeyay 14-kii Abriil, wuxuuna ku boorriyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Xafiiska Halbeegyada Soomaaliyeed inay sii wataan waajibaadkooda shaqo.

Farmaajo ayaa ku amray hay’adaha dowladda in ay ka fogaadaan in ay ka faa’iideystaan ​​waqtiga kala-guur, oo ay ku tagri-falaan awoodda iyo hantida dowladda, isaga oo sheegay in cid kasta lagula xisaabtamayo wixii dembi ah oo dalka ka gasho.

Amarka Farmaajo ayaa ku soo beegmaya xilli la sheegay in RW Rooble uu sameeyay magacaabis bishii hore.

RW Rooble iyo Farmaajo ayaa u dhaxeeya loolan dhanka awoodda ah, waxaana khilaafkooda uu saameyn ku yeeshay doorashadda, oo in ka badan sanad dib uga dhacday waqitigii loogu tala-galay.

Markii la galay kala-guurka, Wasiirka Batroolka Eng C/rashiid Maxamed Axmed ayaa saxiixay heshiiska shidaal baaris xeebaha oo la galay Shirkadda Coastline Exploration, oo degan Mareykanka taasoo lagula heshiiyay inay bixiso 7 Ceel oo shidaal ah lacag dhan 7 milyan oo dollar.

Heshiiska ayuu Wasiirka sheegay inuu la ogaa Farmaajo, oo illaa laga gaarayay saxiixiisa uu la socday, waxaana soo baxday inuu rabey lacagta inuu ku galo doorashadda Madaxtinmada dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.