Xasan: Fashilka Farmaajo arrimaha Gudaha ayaa sababay Faragelinta

"Waxaan xilka wareejiyay 2017 iyada oo uusan jirin dal ay cadowtinimo Soomaaliya kala dhaxeyso. Waxaan ku shaqeynay siyaasad qorsheysan, qoran oo ku saleysan ilaalinta danaha dalkeena," ayuu yiri MD hore Xasan Sheekh.

Warar Keydmedia Online
Xasan: Fashilka Farmaajo arrimaha Gudaha ayaa sababay Faragelinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Isagoo ka hadlayay kulan dood-wadaag ah xalay, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa daboolka ka qaadey in faragelinta dalalka dibadda, gaar ahaan Kenya ay sabab u tahay fashilka Farmaajo ee siyaasadda gudaha.

Wuxuu sheegay in xiligii uu xukunka ku wareejinayay Farmaajo 2017 uusan jirin dal ay cadowtinimo Soomaaliya kala dhaxeyso, islamarkaana ay degan tahay siyaasadda gudaha iyo midda dibadda.

Farmaajo ayaa ku guul-dareystay inuu sameeyo siyaasad qorsheysan, oo qoran islamarkaana ku saleysan ilaalinta danaha dalka iyo dadka, waxaan laga dhaxlay qorsho xumadda hogaamiyaha mudo-xileedkiisa sii dhamaanaya faragelin joogto ah oo dibadda ka timaada.

"Maamul xumada iyo si xun u maareynta arrimaha gudaha dalka ayaa keentay faragelinta dalalkeenna ay ku hayaan dalal shisheeye, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in la dhiirrigeliyo dib-u-heshiisiinta iyo isfahamka dadka Soomaaliyeed,"| ayuu hadalkiisa raaciyay MD hore Xasan Sheekh.

Siyaasadda arrimaha dibadda ee Farmaajo waxay ku saleysan tahay inuu abuuro codwtinimo Soomaaliya dhex marta dalal kale, gaar ahaan kuwa deriska ee Ciidamada ka joogaan dalka, sida Kenya.

"Siyaasadda arrimaha dibadda ee dal leeyahay waxa ay ka billaabtaa meesha ay siyaasadda arrimaha gudaha dalkaas ku dhamaato, siyaasadda arrimaha gudahana waxay ku dhamaataa xuduudda dalkaas, sidaas darteed siyaasadda arrimaha dibaddu waxay iibisaa waxa gudaha ka jira," waxaa sidaas sheegay Xasan Sheekh.

Madaxweyne Farmaajo oo waqtiga sii dhamaanayo ayaa hadda dagaal siyaasadeed kula jira Mucaaradka, Maamullada Jubbaland iyo Puntland, kuwaasoo kasoo horjeestay magacaabista gudiyadda doorashooyinka.

Villa Somalia ayaa xiriirka u jartay dowladda Kenya, iyadoo ku eedeysay faragelin joogto ah, waxayna xiisad ka abuurtay xadka labada dal oo Ciidamo ay DF geystay mudooyinkii dambe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.