Fiqi: Farmaajo wali kama tanaasulin inuu awood Ciidan adeegsado

Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey, ayaa labo jeer sameeyay isku-day afgembi, oo dhicisoobey, waxaana wali ku taagan yahay damiciisa inuu xukunka xoog ku haysto.

Warar Keydmedia Online
Fiqi: Farmaajo wali kama tanaasulin inuu awood Ciidan adeegsado

MUQDISHO, Soomaaliya - Axmed Maclin Fiqi, wasiirkii hore ee amniga Galmudug, kana mid ah Mucaaradka ayaa sheegay in Farmaajo uusan iska deyn damiciisa inuu awood Ciidan adeegsado xili uu fashil kala kulmay labadii isku-day ee afgembi, oo dhacay sanadkii tagey 2021.

Farmaajo iyo taliyaashiisii waxay ku mashquulsan yihiin ciidamda, welina kama uusan tanaasulin in uu ciidan adeegsado!

Fiqi ayaa sidoo kale xusay inay been iyo riwaayad uu jilayay ahayd hadalkii Farmaajo ee ahaa "Ciidanka yeysan siyaasadda ku milmin", maadaama uu isaga u adeegsanayo afgembiga.

Wasiirkii hore ee amniga ayaa horkacaya kacdoon ka socda Muqdisho oo lagu diidan yahay inuu Farmaajo kusii jiro Villa Somalia, iyadoo bulshadda Banaadir dalbatay in laga soo saaro.

Nacaybka bulshadda u hayaan Farmaajo ayaa sii kordhaya, waxayna Musharixiinta mucaaradka sheegeen in iyadoo Farmaajo Madaxtooyadda dhex-fadhiya suurta-gal ahayn inay doorasho hufan dhacdo. Waxay shalay ugu baaqeen Rooble in Madaxweynihii hore ku ekaado Musharaxnimadiisa, oo Ciidanka iyo doorashadda faraha kala baxo.

Sanadkii 2aad ayaa u galaya Farmaajo oo si sharci-darro ah kursiga ugu fadhiyo, waxaana uu noqdey Madaxweynihii ugu mudada dheeraa oo soo mara Soomaaliya Siyaad Barre kadib.

Lix sano ayaa dalka xukumayaa, waxaana jirta cabsi laga qabo inuu Ciidanka lagu soo tababarey Eritrea u adeegsado inuu dalka ku qabsado, iyadoo arintaas laga dareemay Muqdisho, oo xerada Jen Gordon loo baneeyay askarta Asmara laga keenayo, oo soo daabulidooda Fahad ku mashquulsan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.