Fiqi: Qoor-Qoor Masharuuc Fahad Yaasiin ayuu u tagey Baydhabo

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Maclin Fiqi ayaa mudooyinkii dambe isku bedelay mucaaradka ugu weyn Qoor-Qoor, oo baraha bulshadda ka dhaliila siyaasadiisa.

Warar Keydmedia Online
Fiqi: Qoor-Qoor Masharuuc Fahad Yaasiin ayuu u tagey Baydhabo

MUQDISHO, Soomaaliya - Ex-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ku tilmaamay safarka Qoor-Qoor ee Baydhabo dallaalnimo siyaasadeed oo Forex oo kale ah, kaasoo loogu adeegayo danaha Fahad Yaasiin.

Fiqi sheegay in socdaalka Qoor-Qoor uu yahay mid laga abaabulay Villa Somalia, oo la doonayo in difaaco Kursiga Fahad Yaasiin, ee laga saarey liiska Xildhibaanada uu gudiga FEIT soo saarey todobaadkii hore.

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug ayaa xusay in Qoor-Qoor iyo Xildhibaanada la socda ee tagey shalay Baydhabo ay galeen waan-qaan aan boos uga furnayn, oo lagu dhabar-jebinayo dadaallada RW Rooble ee dhameystirka doorashadda iyo dhaarinta Baarlamaanka cusub 14-ka April.

Qoor Qoor waxaa ku wehliya safarka Baydhabo Mahad Cawad, oo uu Fiqi sheegay inuu yahay ninka Farmaajo u qoro warqadaha lagu aflagaadeeyo RW Rooble. Fahad Yaasiin ayaa doonaya in kursigiisa la celiyay uu ku helo qaab waan-waan ah, oo Qoor-Qoor hormuud u yahay.

Waxaa ayaan-darro ah in rag sharaf leh ay hadda ka shaqeynayaan in kursiga Fahad Yaasiin sida sharci-darrada uu kusoo qaatay lasii daayo. Shaqadaas ma ahan mid iyaga loo dirsadey ama fasixi karaan kursiga,' ayuu yiri Fiqi.

Wuxuu intaas ku daray in Qoor-Qoor iyo kooxdiisa laga filayo inay ku dhawaaqaan marka uu soo dhamaado kulamada Baydhabo in Fahad Yaasiin iyo Lafta-gareen saxan yihiin, oo Rooble-na uu qaldan yahay, waxayna sharci-darro ku tilmaami doonaan afarta kursi ee FEIT uu celiyay.

Lafta-Gareen oo kasoo horjeestay 3 kursiga oo FEIT celisay ayaa sheegay dhawaan inuu joojiyay wadashaqeyntii Rooble ee dhinaca doorashadda, iyadoo taas ay keentay walaac kale oo laga qabo in dib u dhac ku keento xili dhaarinta Baarlamaanka 11aad April 14.

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Maclin Fiqi ayaa mudooyinkii dambe isku bedelay mucaaradka ugu weyn Qoor-Qoor, oo baraha bulshadda ka dhaliila siyaasadiisa. Wuxuu sheegay in Qoor-Qoor uu ku fashilmay shaqadii Galmudug, oo Al-Shabaab duleedka Caasimadda Dhuusamareeb soo gaartay, islamarkaana uu abaabulayo dagaal.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.