Gaadiid ku xayiran Degmada Afgooye

Ku dhawaan muddo Todobaad ah, gaadiid kuwa xamuul-ka qaada ah oo aad u badan ayaa ku xayiran duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Warar Keydmedia Online
Gaadiid ku xayiran Degmada Afgooye

AFGOOYE, Soomaaliya - Gaadiidkan oo shixnado kala duwan u sida Goballada Bay, Bakool iyo Gedo ayaa ka cabanaya Amni darro baahsan oo ka jirta waddada dheer ee isku xariirisa Baydhabo iyo Afgooye.

Maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa dhamaadkii todobaadkii hore dhac u geystay, kadibna ku gubay ku dhawaad shan gaari deegan u dhow Balli-doogle, taas oo keentay cabsida ay qabaan wadayaasha gawaarida ku xayiran gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaar kamid ah Milkiilayaasha Gaadiidka oo Keydmedia Online la hadlay ayaa sheegay in ay bixiyeen Canshuurtii dowaladda, islamarkaana aysan heysan amni ay ku safraan, taa baddalkeedana waxa ay la kulmeen dil, dhac hanti iyo burburin gawaaridii ay ku shaqeysanayeen.

Amni darrada ka jirta waddada aadda magaalada Baydhabo ayaa aad usii xumaaneysay sanadihii dambe, iyaddo dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ay indhaha ka fiirsaneyso shacabka ku dhibaatoonaya waddankooda.

Dowladda Farmaajo ayaa Ciidamo u daabushay Garbahaarey iyo Baydhabo oo lagu wado in ay ka dhacdo doorasho bil kaddib, waxayna xoogga saarayaan madaxda dalka sidii ay u soo saaran lahaayeen Xildhibaanno mar kale soo doorta, mana arkaan amni xumida haysata shacabka ee waddooyinka looga dhacayo hantidooda, loogana gubayo Gawaarida.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.