Gaalkacyo oo laga billaabay Isticmaalka Lacagta Itoobiya

Banaanbaxyo ayaa ka dhacay dhawaan Puntland oo looga soo horjeedo diidmada shilin Soomaaliga, taasoo keentay inay wax walba qaaliyoobaan, oo dan yarta soo food-saarto sicir-barar aad u sareeya.

Warar Keydmedia Online
Gaalkacyo oo laga billaabay Isticmaalka Lacagta Itoobiya

GAALKACYO, Soomaaliya – Shacabka ku nool magaaladda Gaalkacyo ayaa billaabey Isticmaalka Lacagta Birta ee dalka Itoobiya kadib markii Shilin Soomaaliga la diiday in wax lagu iibsado, islamarkaana la waayay lacag kaloo bedesha.

Banaanbaxyo ayaa ka dhacay dhawaan Puntland oo looga soo horjeedo diidmada shilin Soomaaliga, taasoo keentay inay wax walba qaaliyoobaan, oo dan yarta soo food-saarto sicir-barar aad u sareeya.

Dadkoo dhan magaaladda dollar ma heli karaan si ay wax u iibsadaan, mana jirto lacag shaqeynaysa oo dalku leeyahay, kaliya waxaa jiray kunka shilin oo aad u duugoobay, haddana la diiday qaadashadiisa.

Waxay doorbideen reer Gaalkacyo si ay u badbaadaan waxna u gataan inay isticmaalaan Birta Itoobiya, waana wax qalad ku ah qaranimada oo dhawacysa wadan Madax-banaan in lacag aan lahayn, dadkiisuna lacago shisheeye isticmaalayso.

Shey walba xitaa xabada Mooska waa dollar, shirkad kasta iyo dowlada waxay Mushaarka ku bixiyaan dollar, waxayna noloshii  Soomaaliya noqotay dollar. Tani waxaa ku dhib qaba dadka masaakiinta ah.

Gaalkacyo waxay Caasimad u tahay, waxanya kala bartaa Galmudug iyo Puntland, oo ku fashilmay inay wax ka qabtaan dibaatada sicir bararka iyo qiima dhaca Shilin Soomaaliga, iyadoo DF doorkeeda qabtay.

Shirkaddo gaar loo leeyahay ayaa ka macaashay in lacagta dalka shaqeyn wayso, taasoo ay ku socod siiyeen lacagta Electronic ah oo dadka Taleefonka isagu diraan, taasoo meesha ka saartay Shilinka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.