Galmudug iyo DDSI oo amniga kawada shaqeynaya

Wasiiradda Amniga, arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda Galmudug ayaa shirka ka qeygalay, waxaana lagu heshiiyay in labada dhinac iska-kaashadaan sugida amniga xuduuda.

Warar Keydmedia Online

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Galmudug iyo dawlada degaanka Soomaalida Itoobiya [DDSI] ayaa ku heshiiyay inay kawada shaqeeyaan amniga iyo kahor tagista falalka wax u dhimaya xasiloonida xadka labada dhinac kawadaagaan gobolka Galgaduud.

Wasiirka Amniga Ahmed Macalin, Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Wayeel, Wasiirka Gargaarka iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa ka qeybalay kulanka lala yeeshay Saraakiisha laamaha amniga DDSI, waxaan labada dhinac Ciidankooda sameyn doonaan howlgallo wadajir ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.