Gedo: Barakac ka billowday Beled-Xaawo

Barakaca ayaa billowday kadib markii Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan uu sheegay in markale ay duulaan ku qaadi doonaan Beled-Xaawo.

Warar Keydmedia Online
Gedo: Barakac ka billowday Beled-Xaawo

BELED-XAAWO, Soomaaliya - Boqolaal qoyska ayaa tan iyo shalay isaga bakaracay Beled-Xaawo kadib markii Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan sheegay inay markale weerar ku qaadi doonaan magaaladda.

Dadka shacabka ah ayaa soo foodsaartay cabsi dhanka amniga maadaama xiisad iyo saan-saan colaadeed ay ka taagan tahay Beled-Xaawo, oo ay ku dagaalamayaan maamulkeeda Beelaha Ogaadeen oo Axmed Madoobe ka dhashay iyo Farmaajo oo Mareexaan ah.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay labada dhinac ku dagaalameen magaaladda, waxaana ku dhimatay ugu yaraan 11 qof oo, 8 kamid ah ay carruur ahaayeen kuwaasoo guryaha hoobiyeyaal ugu tagey xili habeen ah oo ay jiifeen.

Ciidamada Jubbaland ayaa laga saarey magaaladda sanadkii tagey, waxayna kamid ahayd goobo Farmaajo u diray Ciidamo uu kasoo qaadey Muqdisho, kuwaasoo sidoo kale la wareegay Luuq iyo Doolow, oo loo sameeyay maamullo cusub oo ka amar-qaata Madaxweynaha Soomaaliya.

Gobolka Gedo waxuu noqday xudunta colaadaha Koonfurta Soomaaliya, waxaana loolanka ka taagan uu saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah oo hadda ka barakacaya guryahooda, si ay uga badbaadaan dagaalka socda.

Wafdi ka socda DF ayaa maalmo kahor booqday Beled-Xaawo, kuwaasoo isagu jiray Wasiiradda difaaca, Cadaaladda iyo Warfaafinta iyagoo la kulmay Ciidamada halkaasi ku sugan oo Farmaajo min hal darajo dalacsiiyay askari kasta, taasoo lagu abaalmarinayo dagaalkii ay uga adkaadeen Axmed Madoobe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.