Gollaha Ammaanka oo muddada u kordhiyay AMISOM

Tallaabadan ayaa ka dhigan in 15-ka xubnood ee ee Gollaha Ammaanka Qaramada Midoobay fasaxeen joogitaanka Amisom ilaa ugu yaraan bisha Maarso ee sanadka soo socda.

Warar Keydmedia Online
Gollaha Ammaanka oo muddada u kordhiyay AMISOM

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in saddex bilood oo dheeraad ah lagu kordhiyo waqtiga joogitaanka Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), kaas oo ku ekaa dhamaadka sanadkaan lana gaarsiiyay Maarso 2022.

Qaraarkan saddexda bilood loogu daray AMISOM, oo waqtigeedu uu ku eg yahay 31-ka December, ayaa loola jeedaa in laga fogaado firaaqa howlgalka, xilli Dowladda Somaliya iyo Midowga Afrika ay ku mashquulsan yihiin qorshaha mustaqbalka.

“Goluha ayaa go’aansaday inuu aqbalo in dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika ay joogteeyaan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ilaa 31-ka Maarso 2022". Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Gollaha Ammaanka.

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika aya laga sugayaa in ay heshiis ka gaaraan wajiga labaad ee Howlgalka, dib u habayn ama sidii ciidamo isku dhaf ah oo AU-UN ah, loogu badeli laha AMISOM.

Horraantii sanadkan, Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyey muddada hawlgalka laga bilaabo Febraayo ilaa Diseembar 2021 si loogu oggolaado in laga doodo qorshaha Mustaqbalka, Balse Midowga Afrika iyo Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwanaa qorshaha cusub.

AMISOM, ayaa ka kooban Ciidamada Kenya, Itoobiya, Burundi, Uganda iyo Jabuuti, waxayana Soomaaliya ku sugnaayeen tan iyo sanadkii 2007, iyagoo mudadii 14-ka sano ay joogeen ku guuleysan waayay inay ka adkaadaan Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.