Golaha Shacabka oo ka qaxaya Villa Hargeysa

Inta badan Xildhibaannada mucaaradka ah, ayaa hore u waday olole ah in Villa Hargeysa, laga raro kulamada Golaha inta laga dooranayo Madaxweynaha, iyagoo taas u sababeynaya in uusan jirin amni la isku hallayn karo.

Warar Keydmedia Online
Golaha Shacabka oo ka qaxaya Villa Hargeysa

MUQDISHO, Soomaaliya – Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka dhici doonta goob aan ahayn Xarunta Aqalka hoose ee Villa Hargaysa, kadib markii labadii fadhi ee la soo dhaafay si ula kac ah, loo carqaladeeyay kulamada Golaha, si loo baajiyo in Xildhibaannadu fariistaan, lana dadajiyo dhameystirka doorashooyinka.

18 April 2022, ayay ahayd markii tiro madaafiic ah lagu garaacay, Xarunta Villa Hargeysa, xilli lagu gada jiray dhageysiga warbixin ku saabsaneyd hawlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda, oo ay Golaha u jeedinayeen Guddiga Qabanqaabada Doorashooyinka Guddoonnada Golayaasha Labada Aqalka ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Sidoo kale, kulankii shalay, xarunta ayaa kuleyl ahayd, kadib markii xabad lagu dhuftay Qaboojiyaha xarunta Villa Hargeysa, taasoo u jeedkeedu ahaa, in la baajiyo, hadal jeedintii Musharixiinta u tartamaya xilalka Guddoonka Aqalka hoose, hayeeshee, Guddiga Doorashada ayaa ku dadaalay in la beddelo haanta Gaaska Qaboojiyaha.

Tallaabooyinkaas, ayaa sababay in doorashada Guddoonka Golaha, loo wareejiyo meel ka baxsan Madaxtooyada, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana la filayaa in ay ka dhacdo Teendhada Afisyooni oo dhawaan lagu dhaariyay Xildhibaannada.

Inta badan Xildhibaannada mucaaradka ah, ayaa hore u waday olole ah in Villa Hargeysa, laga raro kulamada Golaha inta laga dooranayo Madaxweynaha, iyagoo taas u sababeynaya in uusan jirin amni la isku hallayn karo iyo damaanad qaad la xariira badqabka Baarlamaanka, taas ayaana sida muuqata ugu danbeyn hirgashay.

Talaabadaan ayaa ka dhigan, in kala aamin baxa hay’adaha Dowladdu gaaray halkii ugu sarreysa, in shan sano kadib, Xildhibaannadu ka qaxayaan Xaruntoodii, ayaa iyaga muujineysa sida Kooxda waqtigu ka dhamaaday ugu fashilmeen amniga Caasimadda, gaar ahaan aagga xeeydaabka Dowladdu ku shaqeyso ee Madaxtooyada.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa dhacaysa, Arbacada oo ku beegan 27-ka April 2022, waxaana maanta la soo gabagabeyn doonaa dhageysiga khudbadaha Musharixiinta u tartamaya kurasta ugu sarreysa Aqalka hoose, ee Guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa, kadibna waxaa loo dareeri doonaan doorashada Madaxweynaha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.