Gollaha Amaanka oo ka shiraya Xaaladda Soomaaliya

James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa khudbado u jeedin doona, iyagoo ka warbixinaya xaaladda hadda ay Soomaaliya ku jirto.

Warar Keydmedia Online
Gollaha Amaanka oo ka shiraya Xaaladda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga QM ee Soomaaliya James Swan iyo dhigiisa Midowga Afrika Ambassador Madeira ayaa Caawa fiidkii 6 P.M.Khudbado u jeedinaya Gollaha Amaanka.

Waxay uga warbixin doonaan xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee dalka Soomaaliya, oo hadda ku jirto Marxalad kala-guur ah, oo ay socoto doorashadda Gollaha Shacabka ee BFS.

Waxaa sidoo kale kulanka looga doodi doonaa mustaqbalka AMISOM oo watiga ka dhacayo 31-ka March 2022, iyadoo la filayo in Gollaha Amniga ansixiyo heshiiska howlgalka KMG ah.

Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor ku heshiiyay in AMISOM loo bedelo ATMIS, oo ah howlgal si Kumeelgaar ah u shaqeyn doona inta ay socoto doorashadda.

Villa Somalia ayaa diiday in AMISOM loo bedelo howlgalka uu UN-ka qeyb ka yahay oo ka shaqeynaya xasilinta, taasoo muujinaysa in Farmaajo rabo dalka inay Al-Shabaab la wareegto.

Midowga Yurub ayaa dhawaan dalbadey in isbedel dhab ah lagu sameeyo AMISOM si ay usii bixiyaan dhaqaalaha howlgalka, waxaana arinta dhabar-jab ku tahay Midowga Afrika.

AMISOM oo ka kooban Uganda, Burundi, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti [22,000 askari], kuwaasoo qeybtii ugu horeysay oo Kampala ka timid ayaa cagta soo dhigey Muqdisho January 2007.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.