Gorgortanka Axmed Madoobe iyo Lafta-Gareen

Lafta-Gareen waxuu halgan ugu jiraa inuu dhamaan Xildhibaanada ka imaanaya Koonfur Galbeed ka dhigo taageeriyaasha Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Gorgortanka Axmed Madoobe iyo Lafta-Gareen

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-Gareen ayaa tan iyo shalay ku sugan magaaladda Kismaayo, isagoo wadaxaajood kula jira Axmed Madoobe.

Xog ay Keydmedia heshay ayaa sheegaysa in Madoobe iyo Lafta-Gareen ku gorgortamayaan kuraas Aqalka Hoose, oo shaqsiyaadka u taryamaya ay kasoo jeedaan Koonfur Galbeed.

Axmed Madobe iyo Lafta-gareen ayaa ku kala aragtid duwan xiriirka Farmaajo, iyadoo taasi keentay in danahooda ay iska soo horjeedaan, oo lagu gorgortamo kuraasta taalla Kismaayo.

Lafta-Gareen ayaa isku dayaya inuu saameyn ku yeesho doorashadda kuraasta reer Koonfur Galbeed ee taalla Jubbaland, oo qaarkood ku fadhiyaan xubno Farmaajo mucaarad ku ah.

Lafta-Gareen waxuu halgan ugu jiraa inuu dhamaan Xildhibaanada Koonfur Galbeed ka dhigo taageeriyaasha Farmaajo, iyadoo doorashadii ka dhacday Baydhabo uu musuq hareeyay.

Gorgortanka Lafta-Gareen ayaa ah inuu Madoobe ka helo fasax inuu isaga soo magacaabo Musharixiinta u tartamaya ku dhawaad 10 kursi, oo dhawaan Kismaayo lagu dooranayo.

Axmed Madoobe ayaa la fahansan yahay in Xildhibaannada uu soo saarayo mucaaradka Farmaajo, maadaama maamulka xarunta Villa Somalia dhibaato badan u geysteen.

Horey ayay Keydmedia usoo qortay in Axmed Madoobe rabo in Deni ku taageero tartanka Xilka Madaxweynaha dalka, isagoo usoo saaraya Xildhibaanno u codeeya. [Halkan ka akhri]

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.