Gurmad iyo Gargaar ma heleen dadkii laga soo barakiciyay Laascaanood?

In ka badan 3,000 oo qof oo Caruur iyo hooyiin u badan ayaa si qasab ah oo ka baxsan dhaqanka Islaamka looga soo saarey Laascaanood Todobaadkii tagey.

Warar Keydmedia Online
Gurmad iyo Gargaar ma heleen dadkii laga soo barakiciyay Laascaanood?

GAALKACYO, Soomaaliya - Magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Puntland waxaa lagu soo daadiyay kumanaan dad shacab ah oo heybsooc ay kusoo sameysay Somaliland.

Dadkan uu u badan kuwa kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, ayaa laga soo saarey Laascaanood, iyadoo loola dhaqmay qaab aan wanaagsanayn oo ka baxsan bini'aadanimada.

Hooyo iyo caruurteeda ayaa la kala geeyay, dad badan ayaa hantidii ay ku lahaayeen magaaladda laga soo eryay, waxaana la dhigay kuwa sabool ah oo Maanta barakaciyaal noqday.

Maamulka gobolka Mudug oo is-xilqaan sameeyay ayaa gurmad fiican u sameeyay ugu yaraan 3,000 oo qof kuwaasoo intooda badan lagu soo dhaweeyay magaaladda Gaalkacyo.

Gudi heer wasiiro ah oo ka socda Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay gaarey Gaalkacyo, iyagoo u kuurgalaya xaaladda nololeed ee dadkan, iyagoo diyaarinaya qaabkii dib loogu celin lahaa degaanadoodii hore.

Hay'adda UN OCHA ayaa dhawaan sheegtay in boqolaal qof ay ku laabteen HirShabeelle, iyadoo kuwa kalena ay diyaarinayaan inay kasoo baxaan Puntland, kuwaasoo dalbadey in laga caawiyo dhanka safarka.

Somaliland oo sheegtay inay ka go'day Soomaaliya 1991, ayaa si qasab ah dadka kusoo saartey, iyadoo ku andacoonaysa inay qeyb ka ahaayeen falalka amni darro ee ka dhacay Laascaanood.

Laakiin, sababta dad badan waxay ku sheegeen inay tahay loolan dhanka ganacsiga ah kadib markii Somaliland aragtay in dadka kasoo jeeda Koonfurta ay horumar badan oo ganacssi sameynayaan, oo tiro ahaana bushada kusoo badanayeen 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Hay'addaha caalamka oo QM ay kamid tahay, dowladda Soomaaliya iyo Xildhibaano Somaliland u dhashay ayaa cambaareeyay qaabka loola dhaqmay dadka reer koonfureedka ee laga soo saarayo Laascaanood.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.