Gobollo katirsan DDSI oo abaar ku dhuftay

Waxaa gargaar la gaarsiiyey gobolo ka tirsan dowlad deeggaanka Soomaalida Itoobiya, oo ay saameysay abaarta xilligan ka jirta gayiga Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Gobollo katirsan DDSI oo abaar ku dhuftay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Wasaaradda Maareynta khataraha ee dowlad deggaanka Soomaalida, ayaa gurmad la gaaray Gobolka Daawo, oo mudooyinkii ugu danbeeyey ay abaartu saameyn xooggan ku yeelatay.

Gargaarkan ayaa isugu jiray raashin iyo daawooyin, waxaana cunnada ay ahayd mid loogu tala galay ilaa 2-kun oo qoys, halka waxyaabaha loogu tala-galay xoolahana uu ahaa 20-xirmo oo loo qorsheeyey in lagu quudiyo 14-kun oo neef, iyadoo gargaarkan uu ka yimid galbeedka Gobolka Godey.

Waxaa sidoo kale Gobolkaasi gaaray dhaqaatiirta xanaanada xoolaha, maadaama ay abaartu sababtay xanuuno badan oo ku dhacay xoolihii ay dadku dhaqan jireen, kuwa kalana ay abaartu cagta marisay, kadib markii ay waayeen dhul leh doog ay daaqaan.

Gobolka Daawo ee dowlad deggaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa loo tix galiyaa halka ugu darran ee ay abaartu dhibaatada xooggan gaarsiisay, waxaana sidoo kale laga deyrinayaa xaaladda Gobolada Liibaan iyo Af-Dheer oo iyaguna ay ku baaheyso abaarta, waxaana jira kiisas dhimasho ah oo laga soo werinayo goboladaasi.

Wasaaradda Maareynta khataraha dowlad deggaanka Soomaalida, ayaa warbaahinta u sheegtay, in ay kordhinayaan gurmadka ay gaarsiinayaan goobaha ay abaartu saameysay, iyagoo shacabka Soomaalidana ka dalbaday in ay kaalin ka gaystaan sidii lagu baajin lahaa walaaca hareeyey dadkaasi Soomaaliyeed.

Abaarta ayaa sanadkan ku fiday inta badan gayiga Soomaalida, iyadoo loo aanneynayo is beddelka cimilada, waxaana yaraa roobabkii gu'a ee da'ay, iyadoo la heli waayey kuwii deyrta ee la rajeynayey in ay dalka ka curtaan, waana tan sababtay inay halis gasho nolosha bulshada Soomaalida oo u badan xoolo dhaqato iyo beeraleey.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.