Abgaal oo hurdada ka kacay, ma runbaa?

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in HirShabeelle oo kaashanayso dadka degaanka ay iska saari doonaan Al-Shabaab, islamarkaana aysan jiri doonin in indha laga daawado dhibaatada kooxda.

Warar Keydmedia Online
Abgaal oo hurdada ka kacay, ma runbaa?

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa booqday degaanka Masjidka Cali Gaduud, oo maalin kahor laga saarey Kooxda Al-Shabaab kadib dagaal dhowr maalmood qaatey, oo faraha looga gubtay.

Waxaa safarka ku wehliyay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdi Fitaax Qaasim Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, o geeyay furumaha hore ee dagaalka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha wuxuu ku bogaadiyay Ciidanka guulaha laga gaaray howlalada looga saarayo Al-Shabaab degaanada ay ka maamusho gobolka, oo ah meel dhaqaalo badab kasoo galo, sidoo kalena u ah goob ay kasoo abaabusho weerarada qaraxyada Muqdisho.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in HirShabeelle oo kaashanayso dadka degaanka ay iska saari doonaan Al-Shabaab, islamarkaana aysan jiri doonin in indha laga daawado dhibaatada kooxda.

Al-Shabaab ayaa isku dayday inay degaanka kusoo weerartay gaari qarax lagu soo xiray kahor booqashada Guudlaawe, balse ay Ciidanka dowladda banaanka ku fashiliyeen, sida uu sheegay C/llaahi Cali Caanood, oo ah Afhayeenka Wasaaradda Difaaca,

Al-Shabaab ayaa guulo-darro kasoo wajahday hadda jiida dagaalka dhowr gobolka, oo ay kamid yihiin Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, oo degaanno badan laga saarey, islamarkaana laga dilay xubno muhiim ah.

Maalintii Shalay, Taliye Caanood ayaa sheegay in in ka badan 130 Al-Shabaab uga dileen duleedka Ceel-Hareeri, oo katirsan gobolka Hiiraan, kuna dhaw degmada Maxaas halkaasoo uu ka dhacay dagaal ay diyaaradaha Mareykanka ka qeyb qaateen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.