Guul dowladda maka gaartay dagaalka Al-Shabaab?

Ciidanka dowladda iyo dadka degaanka oo is-abaabulay ayaa ka saarey Al-Shabaab inta badan degaanadii ay ka joogtay gobollada Dhexe, gaar ahaan Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo howlgalka lagu dilay boqolaal dagaalyahan, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta.

Warar Keydmedia Online
Guul dowladda maka gaartay dagaalka Al-Shabaab?

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa qaadey tallaabo lagu bogaadiyay oo dhanka dagaalka Al-Shabaab, iyadoo kaashanaysa shacab ka dhamaadey dulqaadka dhibaatada Kooxda.

Ciidanka dowladda iyo dadka degaanka oo is-abaabulay ayaa ka saarey Al-Shabaab inta badan degaanadii ay ka joogtay gobollada Dhexe, gaar ahaan Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo howlgalka lagu dilay boqolaal dagaalyahan, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta.

Taliyaha Ciidanka Jen Odowaa ayaa shaaciyay in wajiga 1aad ee howlgalka uu soo idlaadey, islamarkaana midka 2aad ay ka billaabi doonaan Baay iyo Bakool, oo kamid ah meelaha Al-Shabaab go'doomin ku hayso, oo dadka degmooyinka dowladda maamusho u diiday inuu gargaarka bini'aadanimo iyo badeecooyinka ganacsiga u gaaro dhanka dhulka.

Dadka darsa amniga waxay sheegeen in tallaabadan ay tahay mid billow u ah dhamaadka Al-Shabaab, balse waxay ka digeen in dowladda gacanta kusii hayn wayso meelaha la xoreeyay, oo u baahan xasilin iyo in la geeyo boolis suga amniga, loona dhiso maamulo maxali ah.

Qorshaha MW Xasan Sheekh ayaa ah inuu hal sano kusoo afjaro Al-Shabaab, taasoo hadii ay dhacdo gali doono Taariikhda baal dahab ah, isagoo noqon doono Madaxweyne lagu xasuusan doono xoreynta wadanka.

Ciidanka dowladda waxay hadda haystaan taageero badan, oo uga imaanaysa Mareykanka, dadka degaanka iyo ATMIS, waxayna sameynayaan horumaro xowli ah, oo degaanno kula wareegayaan, iyadoo Xildhibaanno ay safka hore ee dagaalka kula jiraan, si ay niyadda ugu dhisaan.

Goobihii ugu dembeeyay ee laga saarey Al-Shabaab waxaa kamid ah  Ceel-Heley, Nuur Fanax, Beerxano, Aboorey iyo Booco, oo bariga Beledweyne ku yaalla, iyadoo dhanka Galgaduud ay Ciidanka kaabiga ku hayaan degmada Ceel-Buur.

Al-Shabaab ayaa sanado badan dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay, waxaana ay weeraro isdaba joog ah ka fuliyeen goboladda kale iyo Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.