Hadda ma ku habboon tahay in AMISOM baxdo?

Haddii aan la helin xal siyaasadeed iyo boolis maxalli ah oo wanaagsan, in nabad ilaaliyayaasha laga saaro Soomaaliya way adkaan doontaa.
 

Warar Keydmedia Online
Hadda ma ku habboon tahay in AMISOM baxdo?

MUQDISHO, Soomaaliya - Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxay ahayd in lasoo gabagabeeyo sanadkii tagey, oo mas'uuliyadda amnigana lagu wareejiyo Ciidanka qaranka, oo mudo 12 sano dhismo ku socday.

Laakin khataraha amni ee joogtada ah oo dhanka Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubaysan ka imaanaya ayaa keenaya su'aallo ku saabsan waqtiga bixitaanka AMISOM, iyadoo laga fekerayo saameynta uu ku yeelan karo amniga Soomaaliya.

Iyadoo laga duulayo khatarta sii kordhaysa ee Al-Shabaab iyo in Ciidanka xoogga dalka aysan u diyaarsanayn inay hantaan goobihii ay gacanta ku hayeen Ciidamada AMISOM, ayaa dib loogu dhigay qorshaha ka bixistooda, waxaana dhawaan Gollaha Amniga iyo Nabad-Gelyada AU-da ansixiyay soojeedin ah in howlgalka loo bedello mid UN ah.

AMISOM ayaa Soomaaliya ka howlgalaysay muddo 14 sano ah. Waajibkeeda ugu muhiimsan waa in Al-Shabaab laga saaro dalka iyo in ay taageerto dadaallada xasilinta iyo dib usoo celinta nabada iyo kala dambeynta, waxaana howlgalka dhaqaale badan ku bixiyay deeq-bixiyaasha oo ugu weyn EU-da.

In kasta oo ay dalalkii bixinayay dhaqaalaha AMISOM ka niyad jabeen howlgalka iska socda ee aan dhamaadka lahayn, kooxda Al-Shabaab ayaa weli khatar ku haysa amniga dalka, iyadoo gacanta ku haysa ilaa shan meelood meel dhulka Soomaaliya. Daacish ayaa sidoo kale ku soo xoogeysanaysa dalka.

Askartii ugu horeysa AMISOM ee dalka timid waxay ahaayeen Uganda, oo cagta soo dhigay Muqdisho Jan 2007, waxaana howlgalka uu ahaa nabad ilaalin, laakiin markii dambe loo bedelay nabad-dhalin, maadaama Soomaaliya ka jirin nabad la ilaaliyo. Waxay Ciidanka ka kooban yahay 22,000 oo askari oo ka socda Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Maadaama wali Soomaaliya u diyaar ahayn Ciidan xoog leh oo ku filan amniga, waxay lagama maarmaan noqotay inay sii joogaan askarta AMISOM, kuwaasoo dhibaatooyin ku haya shacabka Soomaaliyeed, hadii ay ahaan lahayd dilal, kufsi, duqeyn iyo boob khayraadka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.