Hal sabab oo Al-Shabaab u sahlaysa inay ku qabsato dalka

AMISOM waxay timid Soomaaliya horaantii 2007, waxaan ku baxay howlgalkan balaayiin dollar oo howshii la rabey aan lagu qaban.

Warar Keydmedia Online
Hal sabab oo Al-Shabaab u sahlaysa inay ku qabsato dalka

MUQDISHU, Soomaaliya - Waqtiga Qaramada Midoobay ay siisay AMISOM wuxuu ku eg yahay 31ka December 2021, waxaana taagan dood adah oo ku aadan Ciidanka lagu bedelayo iyo in DF isku filnaanto.

Deeq-bixiyeyaasha ka niyad-jabsan bixinta dhaqaalaha AMISOM waxay rabeen isbeddello iyo laga adkaado Al-Shabaab 14-ka sano ee uu howlgalka Ciidanka Midowga Afrika socday.

Midowga Afrika iyo dalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay raadiyaan dhaqaale la isku halleyn karo, waxayna xusul-duub ugu jiraan sidii AMISOM kusii joogi lahayd dalka kadib 2021.

Laakiin, dowladda Soomaaliya waxay ku cel-celisay in lagu wareejiyo mas'uuliyadda amaanka, islamarkaana ay dhamaatey baahida loo qabo in AMISOM sii joogto hadda kadib dalka.

Hay'adda Crisis Group ayaa sheegtay in Ka bixitaanka degdega ah ee AMISOM ay fursad u siinayso in Al-Shabaab in ay la wareegto inta badan Soomaaliya, oo hadda qeyb badan ka joogto.

AMISOM ayaa Soomaaliya ka howlgalaysay muddo afar iyo toban sano ah, iyadoo dowladda ka ilaalinaysay Al-Shabaab, sidoo kalena sugeysay amniga Garoonka diyaaradaha iyo dekadda.

Crisis Group ayaa ku baaqdey in mudo lix bilood ah loogu daro marka uu dhamaato waqtigooda Dec 2021, si fursad loo siiyo dalalka taageera inay dejiyaan qorshaha shanta sano ee soo socda, ee la xiriirka amniga Soomaaliya iyo cida bedelkooda buuxinaysa AMISOM.

Gollaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa dhawaan meel-mariyay qorsho koofitadda looga bedelayo AMISOM, oo laga dhigay Ciidan isku dhaf ah oo QM ay qeyb ka tahay, taasoo dowladda Soomaaliya ay diiday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.