Halkee DF geysay Askartii ku qabatay dagaalka Beled-Xaawo?

Degaan lagu magacaabo Buundo-Garas, oo ku yaalla duleedka degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Warar Keydmedia Online
Halkee DF geysay Askartii ku qabatay dagaalka Beled-Xaawo?

DOOLOW, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa meel kale u wareejisay Askar bada oo isku soo dhiibay Isniintii kadib dagaalkii ka dhacay magaaladda Beled-Xaawo, ee gobolka Gedo.

Ciidanka isa soo dhiibay ayaa sida Keydmedia Online ogaatey u badan Mareexaan dhinaca Axmed Madoobe kasoo baxay oo dowladda Farmaajo kusoo biiray, waxaan tiro ahaan lagu qiyaasay illaa 150 askari.

Waxaa lagu xareeyay xero military, oo ku taalla degaanka hoostaga Doolow, oo Buundo Garas lagu magacaabo halkaasoo la filayo in dib u habeyn lagu sameeyo kadina toos uga mid noqdaan Ciidanka DF ee ka howlgala Gedo.

Dagaalka ka socda Beled-Xaawo wuxuu salka ku hayaa arrimo qabiil, oo waxaa isku haya maamulka gobolka Mareexaan oo Farmaajo ka dhashay iyo Ogaadeen oo Axmed Madoobe kasoo jeedo, waxaana muuqata in Ciidanka qaranka labadaas beelood u kala jabay hadda.

Isniintii lasoo dhaafay Beled-Xaawo ayay ku dagaalameen Ciidamada qaabka beeleed u dhisan, waxaana looga adkaadey kuwa Axmed Madoobe, iyadoo khasaaraha colaadda ay u badan yihiin shacabka degaanka.

Inta la xaqiijiyay 11 qof, oo 8 kamid ah ahaayeen Carruur ayaa ku dhimatay dagaalkii Beled-Xaawo, iyadoo ay ku dhaawacmeen tobanaan kale, oo 20 kamid ah loo qaadey Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.