Halkee ku dambeeyay Kiiska Ikraan Tahliil?

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u muuqda nin looga guuleystay howlihii la xiriiray baritaankii lagu waday kiiska Ikraan Tahliil, oo iyadu dhibane u noqotay hay'adii ay u shaqeyneysay.

Warar Keydmedia Online
Halkee ku dambeeyay Kiiska Ikraan Tahliil?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa aad u yar xogta laga hayo halka uu ku danbeeyey kiiska dilka Ikraan Tahliil, oo ka tirsanayd NISA, kaasoo u muuqda in hadal-heyntiisa la joojiyay.

Ikran dilkeeda waxaa lagu eedeeyey Madaxda ugu sarreysa NISA, waxaana warar soo baxaya oo Keydmedia Online heshay ay sheegayaan in gabi ahaanba la tir-tiray wixii raad ahaa ee u fududeyn karey Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidanka inuu ogaado cidda dishay Gabadha.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo mudo u ololeynayay Cadaaladda Ikraan ayaa laga dareemayaa in looga guuleystay kiiska baritaankii lagu waday dilkan, oo lugaha la galay Fahad Yaasiin, oo aan jirin qof ku dhiiran-kara inuu Maxkamad soo taago.

Fahad Yaasiin ayaa garab ka helaya Farmaajo, waxaayna abaabuleen qorshayaashii lagu dabooli lahaa kiiska Ikran, oo ay kamid tahay in xaalad kale oo la abuuro, si diiradda loogu weeciyo.

KON ayaa ogaatey in saddex maalin kahor, Fahad iyo Farmaajo dalka ka dhoofiyeen ugu yaraan 4 nin, oo uu kamid yahay darawalkii Gaarigii NISA ee gabadha ka soo waday gurigeeda xili habeen ah, abaare 8:00 P.M. bishii June 26, ee 2021.

Labadan nin ayaa raggaasi ku tuhmay in ay noqon karaan kuwa si fudud looga heli karo xogta la xiriirta dilka gabadha, waxaana laga saaray dalka, iyadoo weli ay gudaha Muqdisho baaqi ku yihiin Kulane Jiis iyo Yaasiin Fareey, oo iyaguna qeyb ka ahaa eedeysanayaasha falkaasi, ahna iminka kuwa majaraha u haya awoodda NISA.

Fahad iyo Farmaajo ayaa kalsooni ka badan 4-taasi nin ku qaba Kulane Jiis iyo Yasiin Fareey, waxaana la rumeysan yahay in Xeer Ilaaliyaha kiiska baaraya uusan labadan eedeysane uga yeeri karin Maxkamadda Ciidanka, oo ay taalla dacwaddii Ikraan Hooyadeeda u gudbisay bil kahor.

Eedeysaniyaasha dacwadda laga gudbiyay ayaa kala ah; Fahad Yaasiin, Kulane Jiis, Yaasiin Fareey iyo Cabdiqani Dhiirane, oo loo yaqaan WADNA QABAD, kaasoo ahaa ninka Gaariga kusoo qaadey Ikraan, waxaana hadda laga saarey dalka.

Xildhibaanada Aamina Maxamed Cabdi oo kursiga Golaha Shacabka ku mataleysay gabadha dhibanaha ah, ayaa warbaahinta qaar si hoose ugu sheegtay in ay arintaasi la socoto, isla markaana mudooyinkii ugu danbeeyey, ay iyada qudheeda la kulmeysay, handaadaad iyo cagajugleyn, ku aadan in laga taqalusi doono.

Waxaa iyadoo niyad jabsan dalka Turkiga u safartay hooyada gabadhaasi Qaali Maxamuud, maadaama in muddo ah ay caruurteeda uga dayacnaayeen halkaasi, iyadoo cadaalad u waysay gabadheeda kadib markii waddo kasta u martay.

Si kastaba, Rooble oo ku cel celin jiray in ay ka go'antahay cadaalad u helida gabadhaasi ayaa kiiskan kal hore xeer ilaalinta ku wareejiyey, isagoo mar kalana madaxda NISA ka dalbaday in lala shaqeeyo xeer ilaalinta baaritaanka sameyneysa.

Waxaana marka laga soo tago hadalada afka baarkooda ah, aan jirin dhaq dhaqaaq rasmi ah oo ay wadaan hay'adihii uu u xil saaray, iyadoo dhanka kalana, ay wax weyn iska badaleen mowqifkiisa tan iyo markuu ka soo laabtay dalka Qatar, oo iyadu taageerta Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.