Halkee la geeyay Ciidanka Mareykanka ee ka baxay Soomaaliya?

AFRICOM way ka gaabsatey inay bixiso macluumaad ku saabsan dalalka la dejinayo Ciidanka Mareykanka ee laga soo qaadey Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Halkee la geeyay Ciidanka Mareykanka ee ka baxay Soomaaliya?

MUQDISHO, Soomaaliya - Todobaadkii tagey, Mareykanka ayaa sheegay inuu Ciidankiisa kasoo qaatey dalka Soomaaliya oo mudo sanado badan kula dagaalamayeen Kooxda Al-Shabaab.

Tirada askarta ee ka joogto Soomaaliya ma ahayn mid Warbaahinta si rasmi ah u ogeyd, laakiin waxaa lagu qiyaasayay 700 ilaa 1,000 askari, kuwaasoo fulinaya howlgalka la-dagaalanka argagaxisdda [Counter-terrorism operation], oo lagu dilay hogaamiyeyaal sare oo Al-Shabaab katirsanaa.

Dad badan ayaa is waydiinaya halka la geeyay Ciidanka laga soo qaadey Soomaaliya. Baaritaano Keydmedia Online sameysay ayay ku ogaatey in la dejiyay Kenya, xerada Camp Simba oo Lamu ku yaalla iyo Jabuuti oo Mareykanka saldhiga ugu wayn Afrika ku leeyahay.

Micnaheeda ma ahan bixitaanka in Mareykanka uu soo afjaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxay ahayd tallaabo lagu fulinayay amarkii Trump oo hadda ka tagey Aqalka Cad, iyadoo suurtagal tahay in Joe Biden soo celiyo Askarta.

Waxuu uga tagey Soomaaliya askar dhowr ah oo u qaabilsan fulinta duqeymaha drones-ka, oo kasoo duula degaanka Balli-Doogle oo sidoo kale ay degan yihiin Ciidanka DANAB oo iyagu ay tababareen.

Al-Shabaab ayaa u aragta fursad wayn Ciidanka Mareykanka ee la qaadey, maadaama ay cadaadis iyo duqeymo ku hayeen, waxayna Kooxda ku fekeraysaa inay dib u qabsato goobiihii horey looga soo saarey.

Istaraatiijiyadda Mareykanka ee la dagaalanka argagaxisadda isma bedesho, kaliya waxaa isbedela hogaanka dalka oo ay Madaxda xukunka qabsata ahmiyad wayn siiya arrimaha dibadda iyo Ciidankooda ka jooga meel ka baxsan dalkaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.