Hoobiyaal ku dhacay Muqdisho xili uu socdo weerarka Hayat hotel

Al-Shabaab ayaa Muqdisho xalay ku qaadey weerar xooggan, oo geystay khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Warar Keydmedia Online
Hoobiyaal ku dhacay Muqdisho xili uu socdo weerarka Hayat hotel

MUQDISHO, Soomaaliya - Xili uu socda weerarka Hayat hotel, illaa afar hoobiye ayaa ku dhacday nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof oo shacab ahaa.

Goobjooge ayaa u sheegay KON in hoobiyeyaasha ay xalay saqdii dhexe ku dhaceen Xaafado isku raran ah oo ku yaalla Iskuul Buluziya, oo ah xero booliska lagu tababaro, sidoo kalena lagu toogto dadka dilka lagu xukumo.

Waxaa la sheegay in tiro dad ah oo Carruur ay ku jiraan ay ku dhaawacmeen hoobiyeyaasha, kuwaasoo la dhigau Isbitaalka. Weerarka ayaa kusoo aadaya xili dableyd hubeysan ay ka dagaalamayaan Hayat hotel, oo xalay fiidkii ay galeen.

Rasaas goos-goos ah ayaa ka socota hotel-ka, iyadoo Ciidamada gaarka ee Alpha Group iyo Haram'cad ay isku dayayaan inay soo afjaraan howlgalka oo qaatay in ka badan 12 saacadood.

Lama oga inta la egtahay kooxda hotel-ka gashay, balse waxaa lagu qiyaasay 4 illaa 5, kuwaasoo saddex qarax albaabka ku furtay, kadbna galay xalay xiliga salaadda Maqrib laga soo baxay.

Waa weerarkii ugu cuslaa oo Al-Shabaab Muqdisho ka fuliso tan iyo doorashadii Xasan Sheekh bishii May ee sanadkan. [Halkan ka akhriso weerarka Hayat hotel].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.