Weerarka Hayat hotel oo wali socda iyo wararkii ugu dambeeyay

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, oo noqonaya midkii ugu cuslaa tan iyo doorashaddii Xasan Sheekh, iyadoo amniga magaaladda u muuqdo mid faraha kasii baxaya.

Warar Keydmedia Online
Weerarka Hayat hotel oo wali socda iyo wararkii ugu dambeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa wali socda weerarkii Hayat hotel ee KM4, iyadoo xalay oo dhan dagaal uu goobta ku dhexmarayay Ciidamada dowladda iyo ragga hubeysan ee gudaha ku jira.

Waxaa la badbaadiyay inta badan dadkii ku go'doonsanaa gudaha, waxaana jira kuwa kale oo suurta-gali waysay, oo gacanta ugu jira dableyda, waxaana laga cabsi qabaa inay khaarijiyaan.

Xalay fiidkii salaadii Maqrib kadib ayuu ku billowday weerarka illaa saddex qarax oo albaabka ka dhacay, iyadoo ay xigtay rasaas xooggan kadib markii ay galeen Koox aad u hubeysan oo gaari kasoo degay.

Waxa uu socdaa weerarka in ka badan 12 saac, waxaana howlgalka kusoo biiray Ciidamada Alpha Group ee Mareykanka uu tababarey, ee katirsan NISA, kuwaasoo bambaanooyin ku garaacaya dhismaha, si ay dableyda u dilaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, waxayna intaas ku dartay in howlgalka ay kawado gudaha hotel-ka, oo ay la wareegeen dagaalyahanadeeda hubeysan, oo aysan tiradoodu dheegin.

Muxudiin Warbac oo ah taliyaha NISA ee gobolka Banaadir iyo Mahad Korow oo ah Sarkaal booliska katirsan ayaa dhaawacooda ahaa khasaarihii ugu horeeyay ee xalay la xaqiijiyay, iyadoo kadib ay soo baxayeen wararka khasaaraha oo tirada hadda mareyso illaa 10, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay. [Halkan ka akhri fahfaahin kale]

Khasaaraha waxaa ku jira Mulkiilaha hotel-ka, waxaana jira rag kale oo ganacsato ah oo ku dhintay weerarka Al-Shabaab ee Hayat hotel, oo noqonaya midkii ugu weynaa oo ka dhaca Caasimadda tan iyo doorashaddii Xasan Sheekh bishii May.

Hayat hotel wuxuu ku yaallaa dhabarka dambe ee Sahafi hotel, wuxuuna saaran yahay jidka kasoo baxa KM4, ee aada Garoonka diyaaradaha, waxaana agtiisa bar-koontarool ku leh NISA, oo ku baarta gaadiidka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.