Howlgal amni oo laga fuliyay Jowhar [Sawirro]

Howlgalka ayaa la sameeyay Xalay fiidkii, wuxuuna kusoo beegmay xili labo qarax ay ka dhaceen Balcad oo aan ka fogeyn magaaladda Jowhar.

Warar Keydmedia Online
Howlgal amni oo laga fuliyay Jowhar [Sawirro]

JOWHAR, Soomaaliya - Ciidamada booliiska Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, ayaa howlgallo amni xaqijin ah xalay ka fuliyay magaalada Jowhar, ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Howlgalka oo laga sameyay xaafadaha magaalada ayaa la arkayay Ciidamada Haramcad oo gaaf waregayay xaafadaha Magaalada, oo lagu wado inay dhawaan marti-geliso doorashooyinka Baarlamaanka ee lagu muransan yahay.

Qaar ka mid ah Saraakiisha howlgalka hogaaminaysay ayaa sheegay in la baadi goobayo xubna katirsan Al-Shabaab oo falal Amni darro ah ka fulinaya Caasimadda maamulka Hirshabeelle ee Jowhar.

Howlgalka Jowhar ayaa yimid kadib markii shalay labo qarax ay ka dhaceen afaafka xarunta maamulka degmada Balcad, kuwaasoo ay ku dhinteen 3 qof, 6 kalena ay ku dhaawacmeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.