IGAD oo shir ka yeelanayo Dacwad DF ka gudbisay Kenya

Wasaaradda Arrimha Dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay Cabdalla Hamdok, oo ah gudoomiyaha IGAD sanadkan ay u gudbisay dhambaal dacwad ah.

Warar Keydmedia Online
IGAD oo shir ka yeelanayo Dacwad DF ka gudbisay Kenya

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa lagu wadaa in Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay 20-ka bishan isaga yimaadaan Kulan gaar ah Dacwad cusub oo ka dhan ah dowladda Kenya oo xilligan kala dhaxeeya Xiisad diblomaasiysadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegtay in DF u gudbisay Ra'iisul Wasaaraha Sudan, oo haatan ah gudoomiyaha IGAD warqad ay ku qoran tahay dacwadda ay ka gubiyeen Kenya.

"Iyadoo laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka Kenya ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Mudane Cabdalla Xamduuk, Ra'iisul wasaaraha Sudan ahna Shir-guddoonka Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha IGAD, ayaa Urur goboleedka IGAD waxa uu shir madaxeed ay ka qeybgalayaan Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha oo arrinkan looga hadli doono ku qabanayaa Dalka Jabuuti 20 bishan December," ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma aysan fahfaahin Wasaaradda waxa ay ku saabsan tahay Dacwadda, laakiin waxaa loo maleynayaa inay la xiririta casuumaadda Kenya u fidisay hogaamiyaha Somaliland Muuser Biixi oo shalay booqasho ku tagey Nairobi.

Xiriirka labada dal ayaa xumaaday dhawaan kadib markii DF ay Muqdisho ka ceyrisay Safiirkii Kenya Lucas Tumbo, iyadoo Maamulka Farmaajo ku eedeeyay Xukuumadda Nairobi inay faragelin ku hayso doorashadda.

Kenya ayaa beenisay eedeymaha dowladda, iyadoo ku tilmaantay inay yihiin kuwa la siyaasadeeyay, oo Farmaajo ku doonayo inuu kusoo galo ololaha doorashadda 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.