Imisa Al-Shabaab looga dilay weerarka ay ku qaadey Itoobiya?

Labada dhinac ayaa kala sheegtay guulo kala duwan, waxaana jirin ilo madax-banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee dagaalka.

Warar Keydmedia Online
Imisa Al-Shabaab looga dilay weerarka ay ku qaadey Itoobiya?

YEED, Soomaaliya - Dagaal culus oo labo maalmood socday ayaa ka dhacay degaanno ku yaalla gudaha iyo xadka Itoobiya, kaasoo yimid kadib markii Al-Shabaab weerartay saldhigyada Liyu boolis ku leeyihiin meelo ay ku jiraan Yeed iyo Caato, oo Bakool katirsan.

Saraakiisha Liyu boolis ayaa sheegay inay ku dhawaad 100 xubnood uga dileen Al-Shabaab weerarka, waxayna soo bandhigeen hub aad u badan oo ay sheegeen inay ka furteen argagaxisadda.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay 87 askari oo Liyu boolis ah ay ku dishay weerarka. Wali ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijnaya sheegashadda labada dhinac ee dagaalamay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay weerartat gobolka Afdheer oo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida dalka Itoobiya, halkaasoo ay Ciidamada kula galeen dagaal socday in ka badan 48 saacadood.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.