Imisa ku geeriyootay Qaraxa is-miidaaminta Muqdisho?

Hooyo iyo Carruuteeda ayaa kamid ah dadkii ku dhintay qaraxa Maanta ka dhacay barta laga ilaaliyo Madaxtooyadda Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
Imisa ku geeriyootay Qaraxa is-miidaaminta Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar is-miidaamin ahaa oo saakay abaare 11:00 A.M. ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Booliska dowladda ayaa xaqiijiyay inay weerarka ku dhimatay ugu yaraan 8 qof, oo 7 kamid ah shacab ahaayeen iyo hal askari, iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimo ayaa sheegay in Gabar katirsanayd Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo lagu magacaabi jiray Hibaaq Abuukar ay kamid ahayd dadkii ku dhintay qaraxa Ceel-gaabta.

Hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay oo goobta marayay ayaa qaraxa sidoo kale ku naf waayay, iyadoo khasaaraha laga baqayo inuu intaasi ka bato. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

Waxaa shalay oo Jimco ahayd ka dhacay meel ku dhaw Isbitaalka Madiina qaraxa weyn oo is-miidaamin ah, oo aan geystay wax khasaaraha ah marka laga reebo midka fuliyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.