Imisa lacag baa lagu qaatey Heshiiska Batroolka?

Shirkadda waxaa la aas-aasay 2018, waxaana horey loo oran jiray SOMA OIL & GAS, oo saami ku lahaa Xasan Cali Khayre, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Imisa lacag baa lagu qaatey Heshiiska Batroolka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Batroolka Eng C/rashiid Maxamed Axmed, ayaa banaanka soo dhigay in Farmaajo uu ku lug lahaa Heshiiska uu saxiixay ee Shidaalka 7-da xirmo.

Wareysi uu siiyay VOA Somali ayuu Wasiirka caddeeyay in File-ka heshiiska isaga iyo Farmaajo si gaar ah u hayeen, islamarkaana howsha si wadajir ah u wadeen illaa laga saxiixay.

Heshiiska mudo ayuu soo socday, waxaana ila wadey Madaxweynaha oo igu garab siiyay, waxaana la saxiixay 15-kii bishan," ayuu yiri Wasiir C/rashiid.

Heshiiska Wax-soo-saar-wadaagga, ayuu Wasiirka u saxiixay Shirkadda Coastline Exploration LTD, oo fadhigeedu yahay Mareykanka, taasoo horey loo oran jiray SOMA OIL & GAS.

SOMA OIL & GAS ayaa magaca Coastline Exploration LTD baxsatay 2018, waxayna ku bixinaysaa lacag dhan 7 milyan oo dollar, oo sida uu Wasiirka sheegay ku bixinayso mudo hal bil ah.

Halkii Ceel waxaa lagu iibiyay hal Milyan oo dollar. Heshiiskan wuxuu kusoo aadayaa xili Farmaajo oo ku jiro olole doorasho, uu doonayo in mar 2aad u tartamo xilka uu hayay 5 sano.

Shirkadda SOMA OIL & GAS waxaa saami ku lahaa Xasan Cali Khayre, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, oo iska-casiley markii xilka loo magacaabey 2017.

SOMA OIL & GAS marii Dacwad uga furantay UK, oo fadeexado soo wajaheen ayaa u guurtey Mareykanka, kadibna iska bedeshay magaca, oo la baxdey Coastline Exploration Limited.

Ceelasha laga soo saarayo Shidaalka oo 7 gaaraya, ayaa saddex kamid ah waxay ku yaallaan xeebaha Galmudug, halka kuwa kalena dhacaan Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Heshiiskan, ayaa Farmaajo ku inkiray Wasiirka kadib markii uu culeys kala kulmay baraha bulshadda, oo aad loogu dhaliilay, maadaama uu yahay mid lagu boobayo hantida dalka.

Rooble ayaa isna iska fogeeyay heshiiskan inuu wax ka ogaa, isagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah, oo baal-marsan sharciga dalka. Wuxuu balan-qaadey inuu tallaabo qaadi doono.

Keydmedia ayaa xog ay ka heshay xafiiska Ra'iisul wasaaraha ku ogaatey in Rooble saacadaha soo socda xilka ka qaadi doono Wasiirka Batroolka, ee ku kacay tallaabada boobka Qaran.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.