Imisa Shirkadda Coastline ku bixisay Shidaal-baarista Soomaaliya?

UN Monitoring Group ayaa ku eedeysay Shirkadda Soma Oil & Gas ee laga leeyahay dalka Ingiriiska inay lacag badan siisay Madaxda wasaaradda Batroolka Soomaaliya lacagta dhan $600,000, taas oo abuurtay “khilaaf halis ah oo danno gaar ah ku saleysan".

Warar Keydmedia Online
Imisa Shirkadda Coastline ku bixisay Shidaal-baarista Soomaaliya?

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkadda Coastline Exploration ayaa siiyay dowladda Soomaaliya $7 million oo ku shubtay Bangiga Dhexe, taasoo ku tilmaantay "gunnada saxiixa" heshiiskii wadaagga wax soosaarka shidaalka.

Bixinta lacagta ayaa timid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay heshiis u ogolaanaya Coastline inay shidaal ka baarto 7 baloog oo ku yaalla xeebaha dalka Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa markiisii horey Istanbul, Turkey bishii Feb 2021 ku saxiixay wasiirkii hore ee Batroolka Eng C/rashiid, waxaana uu khilaaf ka dhex abuuray Farmaajo iyo Rooble April 202.

Shirkadda Coastline Exploration ayaa sheegtay in lacag gaareysa $50 million ku bixisay Shidaal-baarista Soomaaliya tan iyo 2018, taasoo ay siisay dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada qaar, gaar ahaan kuwa xeebahooda shidaalka ku jiro.

Horey waxaa Coastline loo oran jiray Soma Oil & Gas, balse iska bedeshay magaca markii fadeexad musuq-maasuq kusoo ifbaxay, taasoo la xiriirta arrimaha shidaalka dalka Soomaaliya.

UN Monitoring Group ayaa ku eedeysay Shirkadda Soma Oil & Gas ee laga leeyahay dalka Ingiriiska inay lacag badan siisay Madaxda wasaaradda Batroolka Soomaaliya lacagta dhan $600,000, taas oo abuurtay “khilaaf halis ah oo danno gaar ah ku saleysan".

Xasan Cali Khayre ayaa saami ku lahaa Soma Oil & Gas, balse iska casilay xilalkii uu u hayay markii uu Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya noqday horaantii 2017.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.