Intee la egyahay Khasaaraha Dabka Hargeysa?

Dabka oo aad u xoog badnaa, ayaa billowday xalay saqdii dhexe, iyadoo uu ku faafay dhamaan qeybaha Suuqa oo 5KM masaafo gaaraya ku fadhiya.

Warar Keydmedia Online
Intee la egyahay Khasaaraha Dabka Hargeysa?

HARGEYSA, Soomaaliya - Waxaa ka dhacay Hargeysa musiib aad u xoog badan, kadib markii dab uu ka kacay Suuqa ugu weyn magaaladda oo Waaheen lagu magacaabo Habeenkii xalay.

Dabka oo aan la ogeyn waxa dhaliyay ayaa baabi'iyay goobo ganacsi oo gaaraya 2,600, waxaana ku gubtay badeecooyin lagu qiyaasay Malaayiin dollar, taasoo ay lahaayeen ganacsato kala duwan.

Maayarka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo warbaahinta kula hadlay goobta ayaa yiri: Magaaladu weligeed may arag masiibo sidan u weyn.

Meeshu waxay ahayd xarunta dhaqaalaha ee Hargeysa, inkasta oo dab-damisku ay ku dadaaleen sidii ay dabka u xakamayn lahaayeen, haddana suuqii waa baaba'ay,' ayuu hadalkiisa ku daray.

Waxuu sheegay in dabka la xakameyn karey kahor inta uusan geysan khasaaraha baaxada leh, balse dadaalada dab damiska uu caqabad ku noqday dhibaatooyinka dhanka wadada ah.

Suuqa weyn ayaan lahayn waddooyin waaweyn oo gaadiidka gali karaan, kaliya waxaa shaqeynayay kuwa ciriiri ah oo dadka lugtooda loogu talagalay.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar uu booqday Suuqa Waaheen, waxuu sheegay in ilaa 28 qof oo sagaal ka mid ahi ay dumar yihiin dhaawacyo soo gaareen, balse ilaa hadda aanay jirin khasaare nafeed oo ka dhashay dabka.

Wuxuu sheegay in dowladdu ay bixin doonto hal milyan oo dollar si ay uga qayb qaadato gurmadka dadka ku xoolo waayay dabka Suuqa Hargeysa.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Hargeysa Jamaal Caydiid, ayaa sheegay in khasaaraha uu yahay mid aad u weyn, islamarkaana uu ku qiyaasayo 40 ilaa 50 boqolkiiba dhaqaalaha magaalada.

Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, dhigiisa Abiy Axmed iyo Farmaajo ayaa sheegay inay ka xun yihiin waxa ka dhacay Hargeysa, iyagoo sheegay inay dhibka la qeybsanayaan shacabka ganacstada ah, oo ay ku taageeri doonaan wixii karaankooda ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.