Saameynta Colaadda Itoobiya ku yeelan kartaa Soomaaliya

Dagaalka Itoobiya ayaa sanad jirsaday, waxana laga cabsi qabaa in mucaaradku ay afganbiyaan dowladda lana wareegeen Magaalada caasimada ee Addis Ababa, taasoo ay walaac badan ku kordhisay dalalka ku yaala geeska Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Saameynta Colaadda Itoobiya ku yeelan kartaa Soomaaliya

ADDIS ABABA - Collaada Itoobiya ee sii daba dheeraanaysa ayaa bidhaamineysa inay cagta saartay dhabihii bur-burka, waxaana aragtiyo kala duwan laga bixinayaa saameynta isbaddalka xaaladda dalkaasi ay ku yeelan karto Soomaaliya, oo ah dal ay sanadihii ugu danbeeyey fara-galin ba'an ku heysay Itoobiya.

Qubarada ku xeel-dheer arrimaha siyaasadda Gobolka Geeska Afrika, ayaa sheegaya in bur-burka Itoobiya ay fursad weyn ugu jirto hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya, waxaana meesha ka baxaya fara-galintii qaawaneyd ee ay ku heysay arimaha dalka.

Fursadan ayaa sidoo kale ah mid ay Soomaalidu isku muujin karto, iyagoo kaalin weyn siinaya inay daboolaan dal-dalooladii markii hore ay Itoobiya siyaasadooda ka hunguriyeyn jirtay, waxaase taasi hortaagan is-maandhaafka siyaasiyiinta Soomaalida, balse waa fursad dahabi ah oo mudan ka faa'ideysi.

Marka laga yimaado fursadaha Soomaaliya ay ka dhaxli karto bur-burka Itoobiya, ayey qubaradu sheegayaan in dhinaca kale ay ka dhalan karto caqabado kala duwan oo Soomaalida uga yimaada bulshada Itoobiya oo tiro ahaan aad uga badan dadka Soomaaliyeed.

Saameynta ugu horeysay ayaa ah qaxootiga Itoobiyaanka ee Soomaaliya soo ciirsan doona, kuwaasoo soo kordhin kara caqabado kala duwan oo ay ugu weyn tahay mid amni darro, waana arimaha u baahan in laga feejignaado, laguna talo galo.

Dadkan oo ah kuwa xaalad amaan Soomaaliya usoo maciinsaday ayaa la sheegayaa in ay ka faa'ideysan karaan Kooxaha argagixisada ah, kuwaasoo qaarkood ku tashkiilin doono fikradaha xagjirka, waxanna loogu soo ganban doonaa dhaqaala yarida iyo daruufaha adag ee heysta, taasoo walaac hor leh Soomaalida u horseedi karta.

Xaaladda Itoobiya ayaa laga deyrinayaa, iyadoo jabhadda Tigrayga ee waqooyiga dalkaasi ay sheegeen inay u ruqaansadeen dhanka Caasimada Addis Ababa, waxanna dalku uu ku jiraa ay xaalad deg deg ah oo ay dowladdu ku dhawaaqday, wallow la filayo in arrintu ay dhan u badato todobaadyada soo socda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.