Isbedel lagu sameynayo AMISOM

AMISOM ayaa ku guul-dareysatay inay Al-Shabaab ka saarto guud ahaan dalka, iyadoo wali dowladda ku jirto gacan ku gambasho.

Warar Keydmedia Online
 Isbedel lagu sameynayo AMISOM

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, ayaa meel-mariyay qorsho cusub oo isbedel loogu sameynayo qaab dhismeedka howlgalka AMISOM.

Waxaa lagu heshiiyay in howlgalka laga dhigo mid ka dhaxeeya Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey, oo Ciidamo kusoo biirinaysa si loo bedelo wajigii AMISOM, ee dhicisoobay.

Dalalka hadda Ciidanka ka joogaan Soomaaliya oo kala ah Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa qeyb kasii ahaan doona, waxaana kusoo kordhaya askarta UN-ka.

Qorshahan ayaa ku dhisan cutubta 7aad ee Axdiga UN-ka, iyadoo go'aankan ansixin ka sugayo Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey, oo markii hore AMISOM awoodda siiyay.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa ansixin iyo ogolaansho laga sugayaa. Maamulka Farmaajo ayaa horey sanadkan u diiday qorshahan isbedelka loogu sameynayo AMISOM.

Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda ammaan ee sii xumaanaysa ee Soomaaliya, halkaas oo ay ka jireen “dib-u-soo-rogaal-celin” ay sameynayso Al-Shabaab.

Al-Shabaab waxay si joogto ah u qaadaa weeraro halis ah, oo ka dhan ah bartilmaameedyada rayidka iyo milatariga ee Caasimadda iyo meelo kale oo kamid ah dalka Soomaaliya.

Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii March kordhisay waqtiga AMISOM ilaa bisha December kadib wadahadalo jahawareer ah oo dhex maray dalalka reer Galbeedka.

AMISOM ayaa tmid Soomaaliya horaantii 2007, waxaana askartii ugu horeeyay ee kasoo degay Muqdisho ahaayeen kuwa Uganda, oo markii dambe kusoo biiraan dalalka kale.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.