Itoobiya oo fashilisay weerar Al-Shabaab

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer isku dayday inay gudaha u gashay Itoobiya, balse u suurtagali waysay illaa hadda.

Warar Keydmedia Online
Itoobiya oo fashilisay weerar Al-Shabaab

JIGJIGA, Itoobiya - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay fashilisay isku-day ay xubno katirsan  Al-Shabaab  ku doonayeen inay  gudaha ugu galaan dalkeeda.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee dowlada deegaanka Soomaalida, ayaa lagu sheegay in horaantii Todobaadkii tagey la qabtay laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda  Al-Shabaab ee ka dagaalanata Soomaaliya.

“Laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo isku dayay inay ka soo galaan dhinaca Soomaaliya ayaa lagu qabtay deegaanka Mustaxiil ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Waxaa la sheegyaa in hal qof uu ku dhintay is-rasaasayn dhex martay ragga la tuhunsan yahay in ay ka tirsayihiin Al-Shabaab iyo Ciidamada ilaalada xadka Itoobiya, iyadoo mid kalena uu ku dhaawacmay kadibna gacanta lagu dhigay.

Itoobiya ayaa horay u sheegtay  in la xiray tobanaan qof oo looga shakisan yahay  in ay xiriir la leeyihiinn  kooxaha xagjiriinta ah ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya, kuwaas oo doonayay in ay gudaha u galaan dalka.

Itoobiya ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka ay Ciidamadu ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah AMMISOM, iyadoo askrateeda ay inta ugu badan ay ku sugan yihiin gobolada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa jira Ciidamo aad u badan oo Itoobiyaan ah oo aan AMISOM kamid ahayn, kuwaasoo u jooga dalka dano gaar ah, waxaana jirin dhibaatooyinka ay geystaan cid lagula xisaabtamo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.