KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kooxda Al-Shabaab ayaa burbur xoog leh ka geysatay Soomaaliya, waxayna sidoo kalena weeraro ka fulisaa dalalka deriska ee Geeska Afrika, oo Kenya iyo Uganda ay kamid yihiin.
ADDIS ABABA - Hay'adda Sirdoonka Itoobiya [NISS], ayaa sheegtay in ay fashilisay weerar argagaxiso, oo Al-Shabaab qorsheynaysay inay dalkaas ka fuliso, gaar ahaan gobollada Aromia iyo dowlad degaanka Soomaalida.
NISS ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtay Maanta inay howlgal ku qabatay 34 qof oo looga shakisan yahay inay katirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo su'aallo lagu waydiinayo xabsiga.
Waxay sidoo kale kooxdan maleegaysay inay weerar argagaxiso ka geysato Addis Ababa, oo ah Caasimadda Itoobiya, halkaasoo amnigeeda aad loo adkeeyay kadib dagaalkii Jabhadda TPLF.
Waxay doonaysay Al-Shabaab inay ka faa'ideysato bisha Ramadan iyo maalmaha Gaalada Kirishtaan ay sooman yihiin, ee loo yaqaano [Easter].
Al-Shabaab waxay damacsanayd inay weeraro argagaxiso oo lagu qalqaldelinayo ka fuliso Maalmahan lagu jiro Ramadan-ka iyo Easter-ka, balse qorshaheeda waa la fashiliyay,' ayay qoraalka ku sheegtay hay'adda NISS.
Waxaa sidoo kale howlgalka lagu soo qabtay hub iyo waxyaabaha qarxa, oo raggan gacanta lagu dhigay rabeen inay weerarada u adeegsadaan, kuwaasoo loogu galay gurigii ay deganaayeen.
Kooxda Al-Shabaab ayaa burbur xoog leh ka geysatay Soomaaliya, waxayna sidoo kalena weeraro ka fulisaa dalalka deriska ee Geeska Afrika, oo Kenya iyo Uganda ay kamid yihiin.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.