Itoobiya oo sheegtay inay dishay Shongole iyo hogaamiyeyaal kale

Mustafa Maxamed, madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa khamiistii ka digay in Al-Shabaab ay isku dayaan in ay soo qaadaan weerar cusub in kasta oo laga adkaaday isla todobaadkan.

Warar Keydmedia Online
Itoobiya oo sheegtay inay dishay Shongole iyo hogaamiyeyaal kale

ADDIS ABABA - Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaanada xadka gobolka Bakool ay ku dileen 3 hogaamiye, oo muhiim u ahaa Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya, gaar ahaan kuwa Liyuu booliska ee ku sugnaa degaanka Aato, ayaa Jimcihii waxaa weerartay markale kooxda Al-Shabaab, waxaana dhexmray dagaal saacado qaatay.

War uu soo saarey militeriga Itoobiya ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay Fu’aad Maxamed (Sangolle) ), oo la sheegay inuu ahaa madaxa isku xirka howlgallada Al-Shabaab, Cabdulcasiis Abuu Muusa (Afhayeenka dhanka weerarada), iyo Cubayda Nuur Ciise oo la sheegay inuu madax u ahaa xoogagga Al-Shabaab ee ku sugan xuduudka Itoobiya.

Fu’aad Maxamed ayaa madaxiisa dulsaaran Mareykanka, abaal-marin lacageed oo dhan 5-milyan oo doollar oo la siinayo ciddii keenta xog horseedeysa in la soo qabto ama la dilo. Shongolle ayaa la sheegay in uu haysto dhalashada Sweden.

Major General Tesfaye Ayalew, oo ah madaxa hawl galka Ciidamada difaaca Itoobiya, ayaa warbaahinta dowladda Itoobiya u xaqiijiyay in saddexda horjooge ee Al-Shabaab lagu dilay meel u dhow xadka Itoobiya.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa weerarkii ay ku qaadeen laba magaalo oo Soomaaliya ka tirsan oo xuduud la leh Itoobiya – Aato iyo Yeed noqonaya kuwii ugu cuslaa oo Itoobiya ku qaadaan, iyadoo ay muuqata inay Kooxda ka faa'ideysanayso kala qeybsanaanta qowmiyadaha iyo dagaalka sokeeye ee ka socda Itoobiya.

Waxaa jira khasaare soo gaaray Ciidamada Itoobiya, gaar ahaan Liyuu boolis oo ah kuwa ilaaliya xadka.

Mustafa Maxamed Cagjar, madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa khamiistii ka digay in Al-Shabaab ay isku dayaan in ay soo qaadaan weerar cusub, isagoo ku dhawaaqay in gudaha Soomaaliya ka sameynayaan aag laga dufaaco amniga Itoobiya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.