Kacdoonkii lagu diray Farmaajo mid lamida oo ka curtay Baydhabo

Lafta-Gareen ayaa mudo-xileedkiisa ku eg Maanta, 19-ka December, waxaana uu sameystay korarsi ay kasoo horjeysteen Siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Warar Keydmedia Online
Kacdoonkii lagu diray Farmaajo mid lamida oo ka curtay Baydhabo

BAYDHABO, Soomaaliya - Baydhabo waxaa Maanta looga dhawaaqay Ciidanka Badbaado KG, oo ah Kacdoon ka dhan ah Madaxweyne Lafta-Gareen, kadib markii uu mudo-kordhin sameystay.

Muuqaal laga soo duubay iyagoo meel qol ah fadhiya Saraakiil Ciidan iyo askar ayaa waxay sheegeen inay kahor-tagi doonaan mudo-korarsi sharci-darrada Lafta-gareen, oo tan iyo 2018 xafiiska joogay.

Waxaan nahay Ciidamada Badbaado Koonfur Galbeed, waxaana ku dadaaleynaa in aan soo celino sharciga iyo kala dambeynta dowlad goboleedka” ayuu yiri Aadan Carab, Guddoomiyihii hore ee Amniga iyo Siyaasadda ee degmada Baydhabo.

C/Casiis Lafta-Gareen ayaa mudo-xileedkiisa ku eg Maanta, 19-ka December, waxaana uu sameystay korarsi ay kasoo horjeysteen Siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ku sugan Muqdisho, kuwaasoo ay kamid yihiin Shariif Sakiin, Roobow iyo Agaasimaha Madaxtooyadda Xuseen Sheekh.

Lafta-Gareen ayaa xoojiyay amniga Baydhabo, waxaana laga mamnuucay in hubka lala dhexmaro, iyadoo dhaq-dhaqaaqa Garoonka diyaaradaha iyo dadka ka imaanaya Muqdisho aad loola socda, maadaama laga cabsi qabo inay tagaan Mucaaradka.

Baydhabo waxay dib u xasuusanaysaa wixii ka dhaca December 2018, oo wadooyinka Ciidanka ku toogteen 11 qof oo shacab ahaa, oo ka qeybgalayay banaanbax looga soo horjeeday xariga Roobow, oo xiligaas ahaa Musharax u taagan xilka Madaxweynaha, balse Farmaajo xabsiga dhigay, si Lafta-gareen ugu soo baxo doorashadda.

Kacdoonka hubeysan ee ka socda Baydhabo wuxuu lamid yahay midkii ka dhacay Muqdisho sanadkii hore ee looga hortagey isku-daygii afgembiga Farmaajo, oo loo diiday inuu kursiga kusii fadhiyo si sharci-darro ah 2 sano oo dheeraad ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.