Kadib 15 sano, AMISOM oo magaca iyo koofiyada laga bedelayo

Ciidanka ayaa ka kooban Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya, oo ku deeqay howlgalka AMISOM 22,000 oo askari 2007.

Warar Keydmedia Online
Kadib 15 sano, AMISOM oo magaca iyo koofiyada laga bedelayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudi khubaro oo ka socda Midowga Afrika ayaa tan iyo 28-kii bishii hore kulamo kula lahaa Xalane dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhigga, taliyeyaash AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saarey mustaqbalka AMISOM, oo howlgaleeda ku eg 31-ka March 2022, iyadoo bixitaankooda oo ka harsan wax ka yar 3 bilood walaac ku abuuray Midowga Africa, Gollaha Amaanka iyo dowladda Soomaaliya, maadaama dalka wali khatar ugu jiro in Al-Shabaab la wareegto, si lamid ah wixii ka dhacay Afghanistan August 2021.

Waxaa la isku raacay in magaca laga bedelo AMISOM oo lo bixiyo ATMIS, islamarkaana loogu daro muddo labo sano ah si ay mas’uuliyadda amniga ugu wareejinayaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, oo Farmaajo mudadii uu Madaxweynaha ahaa siyaasad iyo qabiil ku kala qeybiyay.

Heshiiska ku meel gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa loo gudbin doonaa 7-da bisha March Gollaha Amaanka ee QM, si ay dood uga yeeshaan isbedelka AMISOM.

Sidoo kale heshiiska ayaa tilmaamaya in taliyaha ATMIS-ka laga soo xuli doono dalka tirada ugu badan ee Ciidamada AMISOM, oo ah Uganda iyo in la soo dhaweeyo askar ka socda dalal kale oo aan ahayn kuwa Geeska Afrika.

Heshiiska cusub ayaa ka baxsan soo jeedin hore oo ka timid Midowga Afrika oo ku saabsan Ciidamada AMISOM laga dhigo kuwa qabta howlgallo xasilin ah, iyagoo laga dhigayo isku dhafka Midowga Afrika iyo QM. Soomaaliya si kastaba ha ahaatee way diiday soo jeedinta, iyadoo xustay in Ciidan qaranka la wareegayo amniga.

Ciidanka AMISOM ayaa ka kooban Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya, oo ku deeqay howlgalka AMISOM 22,000 oo askari 2007. Waxay baxayaan 15 sano kadib iyagoo aan guulo la taaban karo ka gaarin la dagaalanka Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.