Kali-talisnimada Farmaajo oo ka dhashay fashil amni

Qaraxyadii ugu waaweynaa ayaa ka dhacay dalka mudadii MW hore Farmaajo fadhiyay Villa Somalia, oo talada dalka isaga isku koobay.

Warar Keydmedia Online
Kali-talisnimada Farmaajo oo ka dhashay fashil amni

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada xili doorasho ka socoto dalka, islamarkaana Farmaajo iyo Rooble difaacyo isagu jiraan gudaha xarunta Villa Somalia.

Mudo dhowr Todobaad ah, Muqdisho waxaa ka dhacay in ka badan 10 qarax, oo Is-miidaamin u badan iyo dilal qorsheysan, iyadoo Al-Shabaab magaaladdas oo gelisay Amniyaatkeeda.

Soomaaliya ayaa wajahaysa fashilka amniga, oo ah meesha ay ka kici la'dahay, oo horumar iyo dowlad-dhiskeeda hortaagan, kana bixi la'dahay ku tiirsanaanta askarta ajnabiga AMISOM.

Qubarada ayaa aaminsan in fashilka amni uu ka dhashay kali-talisnimada Farmaajo, oo kadib doorashadiisa la shaqeyn waayay Maamulada si la isaga kaashado la dagaalanka Shabaab.

Dec 2017 iyo 2018 ayay Farmaajo iyo Madaxda Maamulada ku heshiiyay in la sameeyo Ciidamo isku dhaf ah oo gaaraya 18,000 oo askeri oo ka kala imaada qeybaha dalka Soomaaliya.

Qorshaha ayaa ahaa in Ciidanka Maamul Goboleedyada la qarameeyo, loona diyaariyo in mas'uuliyadda amniga kala wareegaan AMISOM, oo fashilka kadib mudada loo kordhiyay.

MW hore Farmaajo ayaa xukunka isku koobey, wuxuuna xiriirka u jaray Madaxda Maamulada, oo halkii la isku ogaa in si wadajir ah loola dagaalamo Al-Shabaab, iyagii dagaal ku billaabey.

Farmaajo markii la doortey waxaa kamid ahaa balan-qaadkiisa amniga, iyo inuu 2 sano Al-Shabaab kusoo afjarayo, laakiin shan sano kadib dagaalka gudaha Muqdisho ayuu ka socdaa.

Miisaaniyadda kuma baxdo inta badan arrimaha ahmiyada leh dalka, sida amniga, dib-u-dhiska Ciidanka iyo abaaraha. Jeebka shaqsiyaadka maamula ayay ku dhamaataa lacagta.

Sanadihii Farmaajo joogay xafiiska wuxuu waqtigiisa iyo lacagta dowladda ku dhameeyay abuurista khilaafyo siyaasadeed, dhismaha Maamulo isaga taabacsan iyo maalaa-yanci.

Hadda AMISOM oo dowladda ku tiirsanayd waxay dalka ka baxaysaa iyadoo aan diyaarsanayn Ciidan qaran oo amniga kala wareegga, sidoo kalena Kooxda Al-Shabaab ay sii xoogeysanayso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.