Kenya oo wafdi u dirtay Muqdisho

Xiriirka labada dalka ee deriska ah ayaa xumaa sanadihii dambe, iyadoo Maamulka Farmaajo uu lix bilood kahor joojiyay Qaadka, oo dhaqaalaha ugu badan kasoo gali jiray Kenya.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo wafdi u dirtay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi ka socda Kenya ayaa shalay oo Sabti ahayd soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyadoo booqashada ahayd mid qarsoodi ah.

Wafdi oo uu hogaaminayo xoghayaha guud ee Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya, Macharia Kamau, waxay kooxdan kula kulmeen dhigooda xarunta Wasaarada Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ee Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Arrimaha laga wada hadlay waxaa ku jira xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Nairobi iyo Muqdisho, iyadoo aan si gaar ah loo xusin Qaadka ama Miraa oo ah wax soo saarka ugu weyn ee ay Kenya u soo dhoofiso Soomaaliya, laakiin la joojiyay lixdii bilood ee la soo dhaafay sababo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus.

Kenya ayaa kamid ah dalalka Afrika ee Ciidamada ka jooga Soomaaliya, iyagoo ku howlgalaya magaca AMISOM, waxayna dagaal kula jiraan Al-Shabaab mudo 10 sano ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.