KG dib u ceshatay dadkeeda lagu soo xumeeyay Laascaanood

Kumanaan qof oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa laga soo cayriyay Laascaanood, kuwaasoo hadda ku ku sugan Puntland.

Warar Keydmedia Online
KG dib u ceshatay dadkeeda lagu soo xumeeyay Laascaanood

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa Maanta oo Sabti ah degmada Baydhabo gaarey qeybtii ugu horeysay dadka laga soo barakaciyay dhawaan magaaladda Laascaanood, xarunta G/Sool.

Wasiiro katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay Gaalkacyo diyaarad uga soo qaadeen illaa 21 qoys, oo caruur wata, waxaana billaabatay daad-gureynta dadkii Somaliland sida xun ula soo dhaqantay.

Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa gudi wasiiro ah u xilsaarey dib usoo celinta kumanaan qof oo degaanada Puntland la keenay, iyadoo loo kireeyay diyaarado kasoo qaada Gaalkacyo.

Faquuq iyo isir sooc ayay Somaliland ku sameysay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaasoo mudo 20 sano ka badan ku noolaa Laascaanood, oo ku dhaleen caruur maanta qaangaar ah.

Somaliland waxay tuhmaysaa in dadka ay qeyb ka yihiin amni darada magaaladda ka jirta, oo la rumeysan yahay inuu ka yimid fashil dhanka maamulka Hargeysa, oo aan degaanka laga taageersanayn wax badan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.