KG iyo Galmudug oo soo geba-gabeeyay doorashada

Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ka baxay khatartii xayiraadda safarka Mareykanka, taasoo hadda ku foorarta Deni, Axmed Madoobe iyo Guudlaawe.

Warar Keydmedia Online
KG iyo Galmudug oo soo geba-gabeeyay doorashada

MUQDISHO, Soomaaliya - Galmudug ayaa Gaalkacyo kusoo gaba-gabeeysay doorashaddii xubnaha ugu matali doono Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, oo doorashadii dhibaato laga maray.

Saddex Xildhibaan oo kala ah - Xuseen Axmed Culusow, Sahro Colaad Cabdi iyo Shamso Cilmi Xasan ayaa lagu doortay Koonfurta Gaalkacyo, waxayna ugu dambeeyeen 45 Xildhibaan oo Galmudug laga soo doortay.

Koonfur Galbeed ayaa Maanta 7 kursi ku dooratay Baydhabo, kuwaasoo ugu dambeeyay liiska 69 mudane oo ku matelaya Baarlamaanka, waxaana labada Maamul Madaxdooda ka badbaadeen xayiraadda Mareykanka, maadaama ay kusoo dhameeyeen doorashadda waqtigeeda, 15-ka March.

Xildhibaanada Baydhabo lagu doortay Maanta:

1 - Xaawo Sokor Cali

2 - Maxamed Abuukar Cabdi

3 - Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan [Shub]

4 - Isaaq Cali Subag

5 - Cumar Cali Isaaq Balash

6 - Maryan Macalin Isaaq

7 - Maxamed Keerow Maxamed

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyay shanta Maamul Goboleed, ee soo geba-gabeeya doorashadooyinka Gollaha Shacabka. Waxaana ka horeeyay Somaliland iyo Beelaha Banaadiriga

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.