Khayre oo afka furtay, kana hadlay kiiska Ikraan, khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Wuxuu sidoo kale Musharaxa ka hadlay barakicinta Somaliland ku sameynaysa Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladda Laascaanood.

Warar Keydmedia Online
Khayre oo afka furtay, kana hadlay kiiska Ikraan, khilaafka Farmaajo iyo Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax Xasan Cali Khayre ayaa Maanta Hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ku qabtay Shir jaraa'id oo uu uga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya.

Wuxuu shirkiisa jaraa'id diiradda ku saarey dhowr arrimood oo ay kamid yihiin - colaadda Galmudug, barakicinta Laascaanood, Kiiska Ikraan Tahliil iyo Khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Khayre ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya xafiisyada ugu sareeya dalka, kaasoo uu xusay inuu waxyeello xoog leh oo dhinac walba inuu gaarsiiyay dalka, iyadoo uu lumiyay xasiloonida siyaasadda, sidoo kalena dhaawac gaarsiiyay dhaqaalaha iyo rajadii shacabka iyo beesha caalamka ka qabeen dowladnimada Soomaaliya.

Musharaxa ayaa ku baaqey in khilaafka lagu soo afjaro sida ugu dhaqsiyaha badan, si looga badbaadiyo dalka xaaladaha qalafsan ee hadda taagan, oo horseedi karo colaad horleh iyo burbur dowlad-dhiska.

"Soomaaliya talaal kama qabto wixii ka dhacay Afghanistan, oo aad ogtihiin in markii dunida ka quusatay ay isaga tagtay, kadibna ay Taliban dib u qabsatay xukunka," ayuu yiri Khayre, isagoo ku booriyay Farmaajo iyo Rooble inay dhameeyaan loolankooda, si Beesha Caalamka uga niyad-jabin Soomaaliya.

Khayre wuxuu ku baaqey in mudnaanta la siiyo doorashadda, taasoo ah dariiqa kaliya ee looga bixi karo jahwareerka iyo khilaafka ka taagan dalka, maadaama hadii la doorto dowlad cusub ay beesha ka baxayaan hogaamiyeyaasha maanta isku dhegan.

Isagoo hadalkiisa sii wato, ayuu sheegay in dalka xiligan kala-guurka ah qaaraanka uu u baahan yahay uu yahay khilaaf la'aan, qorsho loo dhan yahay, qadarinta waqtiga iyo qabsoomida doorasho xasiloon.

GALMUDUG

Khayre ayaa caddeeyay inuu si aan ka leex-leexad lahayn uu u barbar-taagan yahay maamulka Galmudug ka jira, islamarkaana uu kasoo horjeedo qabsashada Ahlu Sunna degaannada cusub iyo duulaan ay ku tahay Caasimadda Dhuusamareeb.

"Ma ahan wax la aqbali karo in Galmudug oo dhismaheeda waqti badan lagu bixiyay ay Maanta kooxo hubeysan ay burburiyaan, cid kasta oo amniga, horumarka iyo nidaamka dowladnimada waa in hal meel looga soo wada jeesto," ayuu yiri Khayre.

LAASCAANOOD

Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareeyay falkii Somaliland kula kacday dadka kasoo jeeda Koonfurta ee laga soo barakiciyay magaaladda Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool.

"Wararka dhiiladda ah ee kasoo yeeraya magaaladda Laascaanood waa wax aad looga xumaado, mana ahan wax la filayay. Ficiladaas waxay lidi ku yihiin dhaqankeena suuban ee Soomaalinimo iyo kan bini'aadanimo. Sidaas daraadeed yaan la giigin xargaha qaar, yaana la goynin waxa la isku yahay," ayuu yiri Musharaxa.

Wuxuu ugu baaqey bulshada degaanka Laascaanood inay si wadajir ah ugu hortagaan barakicinta, sidoo kalena wanaag ku bedelaan waxay Somaliland ka sameysay magaaladda, islamarkaana ay ilaaliyaan Soomaalinimada iyo walaaltinimada.

Kiiska Ikraan Tahliil

Khayre ayaa sheegay in Kiiska Ikraan sida kaliya ee qoyskeeda cadaalad ku heli karaan uu yahay in hay'adaha ku shaqada leh ee garsoorka loo daayo, isagoo ku baaqey in faragelinta iyo siyaasadda laga daayo dilka gabadhan u shaqeynaysay NISA, islana hay'adda gudaheeda lagu dilay.

Waa markii ugu horeysay oo Khayre si gaar ah uga hadlo arrimaha xasaasiga ah ee dalka ka taagan, iyadoo ay muuqato inay sii kala tagayaan Midowga Musharixiinta, oo hadda midba gooni u baxaya, mana la oga waxa keenay kala tagooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.