Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo banaanka yimid

Fahad iyo Farmaajo ayaa shirqool u dhigay Rooble, iyagoo ka shaqeynaya inuu ku fashilmo doorashadda dalka.

Warar Keydmedia Online
Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo banaanka yimid

MUQDISHO, Soomaaliya - Digreetadii xalay Farmaajo soo saarey ma ahayn mid danta guud lagu ilaalinayo, ee dibindaabyo soo degay Ra'iisul Wasaaraha, sida uu Keydmedia Online u sheegay qof katirsan kooxda ka shaqeysa xafiiska Rooble.

Xeer Madaxweyne ayuu Farmaajo uga joojiyay hay’adaha Dowladda inay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka, waxuuna ku tilmaamay go'aankan mid lagu ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida.

Laakiin dadka xog-ogaalka ah waxay aaminsa yihiin in tallaabadan ay qeyb ka tahay dagaalka uu Farmaajo kula jiro Rooble, kaasoo mudo labo bilood ah soo jiitamayay, balse hadda si rasmi ah banaanka u yimid.

Ujeedka Farmaajo uu ka leeyahay digreetada ayaa ah inuu kahor istaago Rooble inuu heshiisyo lasoo galo Uhuru Kenyatta marka uu Talaadada booqdo Kenya, waxaana casbida ugu weyne ee Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey ay tahay inuu Ra'iisul Wasaaraha fasaxo Qaadka Miirowga uu isaga joojiyay 2020.

Khilaafka labada Mas'uul ee hadda dalka ugu sareysa ayaa aad u xoogeystay bishii lasoo dhaafay markii Rooble uu xilalka ka qaadey Kulane Jiis iyo madaxii NISA ee Garoonka diyaaradaha, sidoo kalane isku dayay inuu eryo ganantiisa midig, Fahad Yaasiin.

"Ma jiraan wax kulamo ama wadatashi ah oo ka dhaxeeya labadooda, waxayna iskula sugan yihiin Villa Somalia, waxayna kula sugan yihiin xafiisyadooda, salaan isaguma yimaadaan xitaa," ayuu yiri qofka kamid ah xafiiska Rooble oo KON la hadlay.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in khilaafka Madaxda sare uu saameyn ku yeesho doorashooyinka dalka, oo si gaabis ah ku socda, iyadoo illaa hadda 9 Senator oo kaliya la doortay, waxaana qorshaha ahaa in 1-da August la dhameeyo doorashadda Aqalka Sare oo 54 Kursi ka kooban.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.